SAWIRRO: ”Jillaab baa isha iiga jirta!” – Wiil yar oo 11-jir ah oo jir adayga kaga yaabiyay aabbihii (Maxaa dhacay?)

0

(Summerville, SC) 07 Agoosto 2019 – Wiil adag oo 11-jir ah oo ku nool Summerville, South Carolina, ayaa markale dib u bilaabay inuu kalluumaysto, kaddib markii laga saaray jillaab ka gashay gasha isha Khamiistii.

Manning Ruff ayaa ka kalluumaysanayay haro u dhow gurigooda, markii uu tuuray jillaabtiisa taasoo inta soo wiiftay ka gashay gasha isha iyo dhabanka, sida uu aabihii Daniel Ruff ku qoray Facebook.

Yeelkeede, halkii uu ka khalkhali lahaa, wuxuu Manning yare qaatay baaskiilkiisii, isagoo aabihii ugu tegey, kaasoo markiiba u qaaday isbitaalka.

“Wuxuu si deggan aabbihii ugu sheegay, ‘Aabbe isha ayay jillaabi iiga jirtaa,’” ayuu Daniel u sheegay Fox News.

Waxaa ka daran in markii uu yimi goobta caafimaad lagu yiri “Hallugu duro xanuun joojin”, balse wuxuu ku jawaabay ”Iga bixiya uun!”, isagoo ilkaha isku riixaya ayaana laga saaray.

Daniel ayaa sheegay inuu ku faanayo wiilkiisa oo arrinta u maareeyay si deggan, isagoo sheegay inay shilkan ka barteen cashar ah inay qaataan ookiyaalaha waawayn iyo middi jeebeed.

Nasiib wanaag, jillaabta ka qabsatay gasha ishu waxba uma dhimin muguxda ama guruxa isha, sidaa darteed, maalintii xigtay wuxuu Manning jillaabtiisii la aadey harada.

Hadalsame Media