DEG DEG: Cabdi Ileey oo xabsiga lagala bixi gaarey & rasaas la is dhaafsaday!!

0

(Addis Abeba) 07 Agoosto 2019 – Ciidanka amniga ee dalka Ethiopia ayaa gacanta ku dhigay Dad looga shakiyay inay Qorshaynayeen sidii ay Xabsiga ugala bixi lahaayeen Madaxweynihii hore ee DDS Cabdi Maxamuud Cumar, sida uu sheegay hilinka Horncable oo soo xiganaya The Reporter.

Dadka la xidhay waxaa ku jirta gabadh, baabuur ayay hor dhigteen xabsiga Qaaliti, ee ku yaalla Addis ababa, balse xiligaa ay tageen Maxkamadda ayaa loo qaaday Cabdi Maxamuud.

Ciidan goobta joogay oo ka shakiyay ayay rasaas is dhaafsadeen dadka lala xidhiidhiyay falkaas, qaarkoodna waa la qabtay.

Wargeyska the The Reporter ee kasoo baxa Ethiopia ayaa daabacay warkaasi.

Xog dheeraad ah nagala soco…

Hadalsame Media