SAWIRO: Kooxda Muqdisho City oo u duushay dalka Zanzibar (Tartanka ay ka qayb gelayaan & goorta)

0

(Muqdisho) 07 Agoosto 2019Kooxda kubadda cagta Muqdisho City Club ayaa maanta ka amba-baxday caasimadda Soomaaliya Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Zanzibar, waxayna sanadkan ka qeyb galayaan tartanka CAF Confederation Cup.

Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa maalmihii ugu dambeyay waxay tababar adag ku qaadanayeen garoomada kala duwan ee ku yaalo Xamar.

Wiilasha Muqdisho City Club ayaa waxay la dheeli doonaan kooxda lagu magacaabo Malindi SC oo ka dhisan dalka Zanzibar.

Kulanka ugu horreya ayaa lagu wada inuu dhaco marka ay taariikhda ku beegan tahay 11 bishan Agoosto ee 2019, ciyaartaas oo lagu wado inay ka dhacdo dalkaasi Zanzibar.

Naadiga Dowlada Hoose ee Xamar ayaa dhawaan dalka keentay Macallin u dhashay wadanka Tunisia kaas oo lagu magacaabo Mohamed Mestiri, halka sidoo Kale ay lasoo saxiixatay cayaariyahanno kasoo kala jeeda dalka qaaradda Afrika.

Dhammaan xiddigaha Kooxda Muqdisho City Club ayaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad, taas oo ku tuseysa in ay taariikh wanaagsan ka sameyn karan tartanka CAF Confederation Cup.

W/D: C/fitaax C/rashiid Abuurka Nani

 

Hadalsame Media