NAQDIN: Ma aha in ”qof halla qasho” umadda qosol lagu marsiiyo!!

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2019 – Sh. Xasaan waxaa wax lagu qoslo u noqotay qof inta la dilo in la cuno.

Qof gaajo u dhimanaya daruuro ahaan ayuu u samayn karaa falal badan oo qofka caadiga ahi uusan malayn karin. Dagaalkii labaad ee adduunka ciidammadii Soofiyeedka, Naaziyiintii, iyo kuwii Jabbaan, intuba inay gaajo darteed iscuneen, dad kale cuneen, maxaabiistii ay haysteen sidii xoolaha marba mid qasheen, iwm., ayaa la sheegaa.

Waalidiin ilmahoodii cunay baa la sheegaa. Qur’aankana meelo badan ayaad ku arkaysaa aayad leh waxaas ha cunina oo ka fogaada, laakiin ka soo reebaysa markii duruuro keento in waxaas la cuni karo, doofaarka iyo dhiigga iyo bakhtiga ayaa tusaale u ah.

Qolyaha fiqiga ku xeeldheer oo aad u jecel inay masalaba mid ka dhaliyaan bay arrintu la gaadhay inay ka hadlaan haddii qofku gaajo u dhimanayo, qof mayd ah ma cuni karaa? Haddana waxay tagtay mid nool inta la dilo ma la cuni karaa? Ma la karin karaa mise sidiisaa lagu cunayaa?

Ka dib waxay raadiyeen meel ay wax ku dhisaan waxayna keeneen in ay faahfaahin galiyaan waxaan asalba jirin.

Qofka gaajo u dhimanaya ee gaadhay heer uu bakhti cuno miyaa la leeyahay dadkaad cunaysid sidan u kala horraysii! Waad karsan kartaa iyo ma karsan kartid…. iwm.

Sh Xasaan waxay ahayd inuu masalada uga hadlo siday tahaye uusan qosol ka dhigan. Runtii qaabka uu u hadlayo ee xitaa masalada awalba kakan uu u soo tabinayaa waa mid aan ku tilmaami karo bahalnimo! Soo qabsoo intaad dilatid cun! Meeday karaamadii Alle siiyay aadanaha?

Waa dood fuqahada meeshaa la martay, saxaabadii Nebiguna SCW waxanoo kale way necbaan jireen, oo in waxaan jirin oo khayaalka ka dheer la mala-awaalo waqti badanna la galiyo way diidi jireen. Waxay odhan jireen maalinta ay dhacdo aynu ka hadalno.

Masaladan xitaa Shaaficiyadu isku meel kama wada taagna, Maalikiyaduna wayba diideen, waayo xurmada aadane looguma xadgudbi karo aadane kale sababtii, ayay ku doodayaan.

Arrimahan in kutubta lagu qoro waxaa sii cariyay in ciidammadii Saliibiyiintu markay Suuriya qabsadeen ay Muslimiin badan dileen hilibkoodiina cuneen oo xaflado ku dhigteen si ay baqdin u galiyaan Muslimiinta. Kuwii Muslimiintuna ay ku balballaadhsadeen gaalka dagaallamaya soo qabso oo dil ka dibna cun haddii gaajo aad u dhimanaysid wax kalena aad weydid!

Maanta adduunkaa ma joogno.

Qof caamo ah oo aan waxa laga hadlayo garanayn, aanna u ogayn inay tahay masalo aragtiyeed mala-awaal ku timid, marka uu intan maqlo wixii ka dhasha yaa ka masuul ah?

Casharradan dadka gaarka ah loogu talagalay ee LIVE wada ordayaa waa jaahwareerin. Qaabka wadaadku uga hadlay masalada iyo qosolkuna waa khalad aan marnaba cudurdaar loo samayn karin.

Waxaa Qoray: Muxamed Yuusuf

Hadalsame Media