DHEGEYSO: Waalidka Soomaalida qurbaha oo ka walaacsan inay carruurtoodu dayacaan hal caado oo ay iyagu sameeyaan

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2019 – Barnaamijka Ilayska VOA, ayaa waxaa todobaadkan lagu soo qaatay walaaca Soomaalida qurbuhu ay ka qabaan in caruurtooda qurbaha ku koray ay sii amba qaadi doonaan dhaqanka ah in la caawiyo oo lacag loo diro dadka ehelkooda ah ee ku sugan Soomaaliya.

Arrintan ayaa muujinaysa isku maan diin dhanka aragtida iyo dhaqanka ah, iyadoo ay jiilka 1-aad ee qurbaha ku dhashay ama ku dhashay ay marar qaar u dhaqan dhow yihiin dhulalka qalaad ee ay ku dhasheen.

Waxaa barnaamij ka diyaariyay Maxamed Colaad Xasan.

Hadalsame Media