Wiil yar oo Soomaali ah oo Sabtigii la waayay oo maydkiisa laga helay meel ka fog halkii lagu waayay!

0

(Stockholm) 06 Agoosto 2019 – Maxamuud oo ah wiil yar oo 12 jir ah ayaa Sabtigii mar qura la waayay, isagoo ku nool degmada Värmdö ee Stockholm.

Wiilkan yar oo Soomaali ah ayaa la sheegay in uu u socdey  meel kubad lagu dheelo oo ka taal nawaaxiga Ösby saacaddu markii ay ahayd 17:30, isagoo uu wehlinayay qof qaraabo ah, balse mar uu dukaan galay wiilkii la waayay.

Maydkiisa oo biyo laga helay

”Qof baa maydkiisa biyo laga helay,” ayuu yiri Eva Nilsson oo ka tirsan Booliiska Stockholm.

Saacaddu markii ay hayd fiidnimadii 22.30 waxay booliisku xaqiijiyeen in maydka laga helay biyaha Gustavsberg uu runtii yahay Maxamuud.

Booliiska ayaa meesha xirey iyadoo lasoo direy unugyo ka tirsan dembi baarayaasha faraha iyo raadadka kale, balse waloow dil la tuhunsan yahay, weli meelna farta laguma fiiqin.

Todobaadyo kahor ayaa sidaa oo kale gabar Soomaali ah looga helay meel haro ah oo ku taalla nawaaxiga Manchester, England.

Hadalsame Media