DAAWO: Qarax sida nukliyeerka ah oo ay dunidu hirar celiskiisa la yaabtay oo ka dhacay Ruushka!

0

(Krasnoyarsk) 06 Agoosto 2019 – Qarax xooggan oo sida nukliyeerkii ay ay hirar celis xooggani ka dhasheen ayaa ka dhacay gobolka Krasnoyarsk ee dalka Ruushka.

Muuqaal laga qabtay qaraxaasi ayaa muujinaya awoodda qaraxan oo la sheegay inuu ka dhacay goob hubka lagu kaydiyo, iyadoo la arkayo moowjado ka dhashay (shock wave) jugta qaraxa oo daruuraha ku darsamaya.

Muuqaalka oo ay qabteen dad jooga meel aan ka fogayn magaalada Achinsk, ayaa muujinaya laba qarax oo xooggan.

Midkood ayaa muujinaya muuqaalka dallada takiga oo ah astaan badanaa lagu yaqaanno qaraxyada nukliyeerka oo leh hirar xooggan oo kaba sii daran qaraxa laftiisa, kuwaasoo cadaadiska ba’an dartii dila qofkii ay gaaraan.

Waxaa la sheegay in meesha lagu kaydin jirey rasaasta waawayn ee madaafiicda goobta, sida taagniga iyo qoryaha la jiido, kuwaasoo sidii bulallayr hawada sare u galayey.

 

Hadalsame Media