CUNSURIYAD SHARCIYAYSAN: Booliiska Texas oo raalli gelin ka bixiyay nin madow ah oo ay magaalada ku wareejiyeen isagoo katiinadaysan + Sawirro

0

(Galveston) 06 Agoosto 2019 – Sawirka laba askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska Texas oo faras ku jooga iyagoo xarig ku hoggaaminaya nin madow ah oo jeebbaysan ayaa muran cunsuriyadeed ka oogey dalka Maraykanka.

Ninka madowga ah aya sawirradu qabteen iyadoo la marsiinayo jidadka magaalada Galveston, Texas, waxaana aad loogu cambaareeyay Booliiska oo lagu eedeeyay inay cunsuriyad iyo bahdil ula jeedaan maadaama ay labada askariba Caddaan ahaayeen.

Haatan Booliiska ayaa raalli gelin bixiyay. Madaxa Booliiska Texas, Vernon Hale ayaa sheegay inay Booliisku “xadka ka tillaabeen” markii ay jidadka marsiiyeen Donald Neely oo jeebbaysan, tiiyoo loosoo xirey dembi aan xitaa sidaa u waynayn, iyagoo roondadooda iska wata.

Maraykanka ayaa waxaa weli ka taagan cunsuriyad hay’adeed, taasoo awoodo dheeraad ah iyo mudnaad idman siisa dadka caddaanka ah, oo sidaa darteed tacaddiyo badan u gaysta dadka laga tirada badan yahay.

Hadalsame Media