Baro 5 ASTAAMOOD oo uu lahaa Aadan Cadde oo ay ka aradan yihiin madaxda Soomaalidu

0

(Muqdisho) 07 Agoosto 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal ka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa gadaashiisa ku dhagan Madaxweynihii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ama Aabihii Qaranka, Aadan Cadde.

Madaxweyne Farmaajo kahor sawirka Aadan Cadde kuma dhaganeyn xafiiska Villa Soomaaliya ama Madaxtooyada balse markii la doortay ayuu suray.

Ujeedada ka dambeysa waa laba arrimood; 1. Qadarin uu u hayo, 2, rabitaan ah in uu uga daydo qaab hoggaamintiisii.

Muxuu ku sifoobay AUN Aadan Cabdulle Cusmaan?

1. Jiilkii waqtigiisa, dhulka Umadda Soomaaliyeed shaki lama galin jirin in uu ahaa shakhsiga ugu horreeya ee mudnaa Hoggaaminta Qaranka.

2. Ilaalinta sharciga, ka soo bilow hoggaamintiisii SYL ilaa iyo 7dii sano ee Jamhuuriyadda (Sanad KMG ahaa iyo lix dastuuri ahaa, sharciga ayaa qof walba, xataa sida saxda ah isaga ka sarreeyey.

3. Xasillooni siyaasadeed, 7dii sano ee uu joogay xukunka, saddexda hay’adood ee Dowladda; Fulinta, sharci dejinta iyo Garsoorka sida saxda ah ayey u kala madax bannaanaayeen, isagu wuu ka sarreeyey siyaasadda, yacnu, Xukuumadda ma farogelin jirin.

4. Biseyl/Dimuqraadi, Markii 7 sano kaddib doorashada looga adkaaday, Africa cashar ayuu u dhigay, waxa uu noqday Madaxweyne xil haya oo laga adkaaday oo hambalyo iyo xil wareejin isku dara, Qaaradda madow hortiis lama aqoon dhaqankaas, ilaa hadda lama baran.

5. Ma xukun jacleyn, bilowgiisii hogaanka SYL iyo kan Jamhuuriyadda isaga ma dooran ee waa lagu qasbay, doorashadii dambe in uu mar labaad tartamo waa lagu qasbay, waxa uu go’aansaday, kana dhabeeyey in uusan ilbiriqsi xataa ol’ole galin.

Intaas ayaan ka uruuriyey dhawr Book oo taariikh ah oo aan aqriyey iyo odayaal waayo joog ahaa oo aan dhagaha u raariciyey.

Eebe ha Janneeyo Aadan Cadde. Aamiin

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media