Sababta uu Romelu Lukaku ula tababaranayo Anderlecht oo ka fog sida ay dadku moodayeen!

0

(Anderlecht) 06 Agoosto 2019 – Weeraryahanka Romelu Lukaku ayaa weli la tabarabaranaya kooxda Anderlecht, taasoo keentay in Sport Mediaset uu sheego in laacibku uu shaqo joojin ku dhawaaqay.

Laacibka Manchester ayaa Isniintii lagu arkay isagoo la tababaranaya kooxdiisii hore, balse waxaa markii hore arrintaa lagu micneeyay fasax maalmeed, yeelkeede, Lukaku ayaa maalintii 2-aad weli ku sugan xerada kooxdaasi.

Warqaadka Het Laaste Niewus ayaa sidoo kale qoraya in United ay diiddan tahay inay sharraxaad ka bixiso waxa ka khaldan arrinta 26-jirkan.

Sida ku dhigan Mediaset, laacibkan Belgian-ka ah ayaa doonaya ‘inuu kooxdiisa ku khasbo’ inay fasaxaan kahor suuq-xagaaga Premier League oo xirmaya Khamiista soo aaddan.

Kooxaha waawayn ee Juventus iyo Inter ayaa iskula dheggan hujuumka Lukaku, balse waxaa Juve ku adkeeyay Paulo Dybala oo weli diiddan inuu aado Old Trafford, halka Nerazzurri ay weli ka fog tahay €85m oo laacibka lagu qiimaynayo.

Hadalsame Media