Markii ugu horreeysey oo lagu guulaystey in la macmalo hidde-sidka daanyeer xubno DAD leh & UJEEDDO laga leeyahay + Muuqaal

0

(Beijing) 05 Agoosto 2019 – Saynisyahannada ayaa ku guulaystey uur ku jirtii ugu horreeysey ee ka kooban unugyada dad iyo daanyeer, taasoo ay sheegeen inay dhabbaha u xaarayso in laga helo xubnaha lagu tallaalayo dadka.

Tijaabadan ayaa laga sameeyay Shiinaha iyadoo uu ujeedku yahay in aan dalkaa lagala kulmin caqabado dhanka sharciga iyo anshaxa ah, maadaama xayawaan la adeegsanayo.

Cilmi baarayaal ka tirsan mac’hadka Salk Institute ee Maraykanka iyo Murcia Catholic University (UCAM) ee dalka Spain ayaa macmalay hidde-sid daanyeer, kuwaasoo ay xubnuhu ka samaysmayaan.

Raggan ayaa uur ku jirta daanyeerta waxay ku dureen unugyo insaan, taasoo ay sheegeen inuu kasoo baxayo daanyeer xubno insaan leh.

Yeelkeede, iyadoo la xeerinayo anshaxa, waxay saynisyahannadu joojiyeen geeddi socodkii kahor inta aanu daanyeerka u samaysmin hannaanka dareen wadka.

Balse kama ahayn anshax ilaalin ee waxay ka cabsanayeen sharciga Spain oo aan taa ogolayn, waxayna arrintii ula guureen Shiinaha oo ay howshii kasii amba qaadeen.

Ragga oo uu hoggaaminayo Juan Carlos Izpisúa, ayaa tijaabo noocan oo kale ah sameeyay 2017 iyagoo isu geeyay hidde-sidka dad iyo doofaar. Balse markaa way ku fashilmeen, iyagoo markii dambe ku guulaystey laba nooc oo jiirka ka mid ah, balse kala duwan, waana midda ku dhalisay inay isku daraan dad iyo daanyeer.

Shiinaha ayaa iminka safka hore uga jira habaynta hidde-sidka (gene editing).

Tusaale, daraasadeeye Shiinays ah ayaa Nofeembar 2018, wuxuu hidde-sidka CCR5 ka saaray taxa DNA-da laba mataano ah, si aanu abidkood ugu dhicin cudurka AIDS-ku, balse waxay saynisyahannadu sheegeen inay taasi sidoo kale wax u dhimayso caafimaadka guud ee mataanahaasi.

Weliba iyagu waxay leeyihiin cimrigooda ayay sanado ka go’ayaan, balse Ilaah unbaa taa og.

Daraasad kale, cilmi baarayaal Shiine iyo Maraykan ah ayaa isu bahaystay inay macmalaan hide-sidka 11 daanyeer, kuwaasoo la doonayo inay yeeshaan wax u tayo dhow “maskaxda dadka.”

Hadasame Media