DAYACAAD: Koonfurta Gaalkacyo gurmad bay u baahan tahay!!

0

(Gaalkacyo) 05 Agoosto 2019 – Sagaal (9) maalmood ayaan Gaalkacyo joogaa weli ma arkin shaqo dan guud ah oo la hayo ama la qabanayo, sida, jid la dhisayo, waddo la nadiifinayo, goob dadwayne oo la dhisayo, xarun caafimaad iyo mid waxbarasho oo waxqabad ka socdo.

Isbitaalka magaalada ee dhanka koofureed aad ayuu u dacdarraysan yahay, qalab la’aan baahsan iyo nadaafaddarro daran ayaa ka muuqata.

Shaqaalaha farakutiriska ah ee ka shaqeeya waa ay dadaalayaan laakiin xaalad adag ayay ku shaqaynayaan. Gudaha isbitaalku waa kulayl daran oo huur ah, ma leh qaboojiyayaal sariiro fiicanna ma yaallaan.

Jidadka magaalada qashin iyo ciid ayaa buuxdhaafiyay. Waddooyinku inta badan oo raf dhagax oo aad u qallafsan. Kuwa laamiyada la saaray, laamiyadii ciid iyo dhagxaan iyo qashin baco u badan ayaa dul fadhiya.

Bac ay dabayli bitinayso iyo bus iyo boor dabayshu jidka ka soo qaadday ayaa indhaha kaa galaya. Dukaamada iyo goobaha ganacsi ee waddooyinka ku teedsan alaabaha saaran boor iyo bus ayaa dul saaran.

Ilaalinta bay’ada caafimaadka ee magaaladu gebi ahaanba waa mid burburtay ama aan jirin. Olyada baabuurta laga beddalo, iyo biyo wasaq ah ayaa meel walba lagu qubay.

Cunto bisil iyo ceeriin leh oo aan daboolnayn ayaa lagu gadayaa jidadka dayacan. Hilib ceeriin oo gaari-gacanno saaran ayaa jidadka boorka iyo bustu ka haadayso lagu iibinayaa taas oo halis caafimaad oo baahsan bulshada magaalada ku haysa. Waxaa xusid mudan in magaalada dhanka koofureed laga dhisay suuq hilibka lagu iibiyo. Suuqaas hadda ariga ayaa harsada.

Koofurta Gaalkacyo waa dayacan tahay.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media