SII DAAYA! “Meelna ha booqan!” – MW Farmaajo oo la sheegay in la siiyo talooyin khaldan!

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2019 – SII DAAYA MADAXWEYNAHA!! Isbeddelada dabeecadda Madaxweyne Farmaajo ku dhacay labadii sano ee lasoo dhaafay, ma ahayn kuwo si dabiici ah ku yimid ee waa kuwo ay ku keeneen Dhallinyaro qaab Ehelnimo ah ula shaqeysa Madaxweynaha.

Dhallintaasi waa kuwa ugu awoodda badan kaaliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo, waana kuwa ay ka go’do talada ugu dambeysa ee uu Madaxweynuhu qaadanayo khalad ama Sax.

La taliyeyaal Magac u yaal ah oo Odayaal u badan uuna ugu Da’ yaryahay Salaad Cali Jeelle ayaa Xafiiska Madaxtooyada u diiwaangashan , laakiin ahmiyadda Magacyadoodu ma dhaafsana Maalinta xiisado siyaasadeed Muqdisho ka jiraan oo ay Makarafoonada qabsadaan.
Intiinna xasuusata, Madaxweynuhu lixdii bilood ee ugu horreysay matkii la doortay magaalada waa laga dareemi jiray Dhaqdhaqaaqyadiisa, sida Booqashooyin uu ku tago Goobo Caafimaad, waxbarasho iyo wixii la mid ah.

Hayeeshee, tallaabootinkaas waxaa Dabar adag ku xiray Dhallinyarada ku hareereysan oo Madaxweynihii iyo Bulshadii kala qariyey.

Waxay intaas siinayaan Talooyinka Caafimaad qabkooda aad looga shakiyey oo Madaxweynaha ku kallifay inuu wax u eg Xabsi guri oo kale ku jiro, ka dib markii ay ku shubeen warbinno Cabsi galiyey Madaxweynaha.

Waxay u sheegaan in Ammaankiisu halis ku jiro haddii uu u dhowaad Dadweynaha, isaguna sida muuqata Taladaas wuu qaatay.

Garoonka Qoob-dooro ee degmada Kaaraan, dhowr bilood ka hor, waxaa lagu qabtay Xaflad ballaaran oo ay abaabulkeeda iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banadir iyo Xoogag Kacaankii ka haray oo la yiraahdo “WADDANIYIINTA’.

Ciidamada gaarka ah ee Madaxweynuhu markii ay Saacado joogeen Goobtii Xafladda ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey lagu wargaliyey inay soo laabtaan maadaama uu Madaxweynuhu ka baaqday Munaasabadaas Dadweyne, sababo ammaankiisa la xiriira darteed.

Waxaa arrintaas aad uga xumaaday Madaxdii Gobolka ee dadaalka badan galisay howshaas.
Meelaha kaliya ee loo asteeyey inuu Madaxweynuhu kusoo hawo qaadan karo, waxay ahaayeen Dugsiga 15 May iyo Xarunta degmada Wardhiigleey ee madaxtooyada u dhow. Laakiin hadda goobahaas naftooda waa laga mamnuucay inuu Madaxweynuhu tago ka dib Qarax ka dhacay Xarunta Degmada.

Hadda waxaa loo oggolyahay oo uu Madaxweynuhu tagi karaa Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga. Waana sababta aanu malaha isbitaalka ugu booqan dhaawacii madaxda Maamulka Gobolka Banaadir.

Ma jiraan Meelo kale oo uu tagi karo xataa Cisbitaalada, Wasaaradaha Dowladda iyo Goobaha Dadweynaha sida Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda.

Madaxweynuhu wuxuu waligii isku arkayey inuu yahay Hoggaamiye shacab oo heysta Taageerada Dadweynaha, wuuna heystay billowgii Madaxnimadiisa, laakiin waxaa isaga iyo Dadka ku hor gudban dhallinyaro Caatifaf reereysan ku seexda kuna soo toosa kuwaas oo Madaxweynihii u jeetay Dhankii ay u socdeen.!!!

Waxaa Qoray: Qaasim Cabdulle Xuseen

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media