”Hasoo gelin garoomada!” – Leo Messi oo GANAAX culus gorodda loo geliyay!!

0

(Luque) 04 Agoosto 2019 – Jookarka reer Argentina ee Lionel Messi ayaa loo jaray ganaax dheer oo 3 bilood ah iyadoo sidoo kale gorodda loo geliyay mid lacageed oo gaaraya $50,000 oo doollar, kaddib markii uu Xiriirka South America ku tilmaamay mid “musuq ah.”

Messi oo xitaa u gembiyay munaasabaddii billadaha lagu bixinayay isagoo sheegay ”inuusan musuq ka qayb geleynin” ayaa cambaareeyay garsoorayaashii dhexdhexaadinayay ciyaartii Chile ee uu roosada ka qaatay ee kaalinta 3-aad iyo guud ahaanba xiriirka CONMEBOL, waloow uu raalli gelin markii dambe ka bixiyay.

Yeelkeede, CONMEBOL oo aan kelmaddaa la dhicin ayaa iminka xiddiga reer Argentina ka ganaaxdey 3 bilood inuu dheelo kulan uu xiriirkaasi maamulayo. Xiriirka dalkiisa ayaa haysta 7 maalmood oo uu rafcaan ku qaato.

Argentina ayaa lagu wadaa inay isla Chile ku wajado ciyaar saaxiibtinnimo oo ka dhacaysa Los Angeles Sebt. 5, iyadoo misna kulan kale Mexico kula yeelanaysa San Antonio 5 maalmood kaddib.

Messi ayaa horraanba rooso uga ganaaxan isreeb-reebka Koobka Adduunka kulankiisa 1-aad ee ay Maarso yeelanayaan roosihii uu ku qaatay Gary Medel dartii.

Hadalsame Media