RASMI: Ismael Bennacer oo ku biiray kooxda AC Milan

0

(Milano) 04 Agoosto 2019 – AC Milan ayaa sidii la filayayba, rasmiyaysay heshiiska laacibka Ismael Bennacer kaasoo ay Empoli kasoo siisteen €16m iyo bareemiyo.

Laacibkan 21-jirka ah ee reer Algeria ayaa caafimaadka maray bishii Luulyo 23 isla markaana saxiixay qandaras 5 sano ah oo uu midkiiba ku qaadanayo €1.5m.

Bennacer oo haatan fasaxii ku laabtay kaddib Koobka Afrika ayaa sanadkii tegey kusoo shaac baxay kooxda Empoli, isagoo 3 gool dhigay 37 kulan oo 37 Serie A ah.

Wuxuu sidoo kale wacdaro ka dhigay Africa Cup of Nations, halkaasoo uu ka noqday xiddiggii tartanka oo uu xulkiisu markii 2-aad hantay.

Laacibka oo horay uga mid ahaa da’yarta Arsenal oo ka baaqsatay xaq ay u lahayd inay dib u gadato, ayaa bishan dhexdeeda kusoo laaban doona safka Milan.

Hadalsame Media