Al Shabaab oo sanadkii Muqdisho ka qaadda lacag dhan $30 milyan oo doollar (DF oo il daaf leh ku eegaysa)

0

(Muqdisho) 04 Agoosto 2019 – Weriyaha VOA ee Falastiin Axmed ayaa ka dhawaajisay arrin ku saabsan in kooxda Al Shabaab ay haatan dakhli badan ka helaan magaalada Muqdisho.

Waxa boggeeda Twitter kusoo qortay sidatan: ”Al-Shabaab waxay sanadkan oo qura Muqdisho ka ururisay adduun dhan $30 milyan oo doollar, sida laga soo xigtey ganacsatada.”

”Waxay (ganacsatadu) ii sheegeen in AS ay canshuuraan ganacsi kasta oo faa’iido doon ah, kuwaasoo ay ku jiraan ganacsiga dhulka iyo dhismayaasha cusub. Dakhligani wuxuu soo noolaynayaa kooxdan.” ayay daba dhigtay.

Haddii ay arrintani dhab tahay, waxay dad badani is waydiinayaan sababta ay DF Somalia tillaabo uga qaadi la’dahay, iyo sida ay u sheegan karto inay AS la dagaallamayso haddii ay canshuurayso magaalo ay iyadu (DF) ka taliso.

Hadalsame Media