GALAL CUSUB: ”Naa xafiiska iiga bax!!” – Hay’adda Socdaalka oo laga sheegtay! (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 04 Agoosto 2019 – Wiil yar oo gadaalkii la iisheegay inuu ahaa Dhalin yaradii ka soo ‘’baxday’’ Al Shabaab oo kursi isku leex leeniyana dhawr fayl oon mar dambe ogaaday in la maalayo ama lacago laaluush lagu cunayo hor yaalliin ayaan dul istaagay kuna iri, maxaa lagu haystaa gabadhan ? Baasaboor aan dhicin bay haysataa markuu dhaco ha imaaddo ayuu asagoo kor ii eegaya yiri. Halkan ka akhri qaybtii 1-aad.

Anigoo ka caraysan dhaqan ka kurayga, waxaa soo galay nin iila muuqda nus qarni cumrigiisu oo Agaasime loogu yeerayay, warkii kurayga inta ku raacay ayuu yiri Odaygaan dartii ugu dhammee ha na dhaaftee, markuu intaa yiri oo kuraygiina qalin haabtay ayaan warqaddii ka qaaday istaagayna ku iri aniga dartay loo samayn mayo ee sharciga ha ina kala hago, xageed ku aragteen Baasaboor 6 bilood ka yar oo Dal ku gal la saaro, maxaa loo qaataa Baasaboor? Ma in lagu xaragoodaa? war meeshu ma makhaayad aad leedihiin baa?

Odaygii kale ayaa inta i qabtay xaashidii iga qaaday, gabadhiina sidaa ayaa maalintaa loogu dhameeyay waxay rabtay 20 casho kaddib oo lugooyo ah, maalin kastana jawaan habaar ah ayay ku reebaysaa , dhaqanka Laanta Socdaalka ka jira ayaan usii dhabba galay qof dhalin yaro ah oo aan xansaday ayaan waydiiyay bal shaqada iyo waxa la qaato mushaar.

Mid baa igu yiri Adeer Mushaar kaygu waa $400, laakiin bishii $2000 waan sameeyaa !!! Iisheeg sideed wax yeeshaa? wuxuu yiri kaararka subaxa hore faylka loo galo 10 ilaa 20 xabbo oo tirsiga hore ah ayaan jeebka dambe gashadaa , waxaan hadhaw ka gadaa dad iska diidaya inay soo kallahaan, Dadka qaar ayaa dag dag wax u raba marka la sawiro, waxaad ka qaadan xoogaa fiican wiilasha Mad’bacadda jooga ayaad mid xoogaagiisa u tuuri saacad gudeheed ayaad kusoo dafi, dadka caadigaana 21 casho ayay sugaan.

Adeer meesha dadka jooga waa la wada shaqaystaa, waana la iska war qabaa, qof marka wax yar oo khalad ah lagu arko waa lagu adkayn si uu wax u ogolaado , dadka barri soo noqo waxaa loo lee yahay shaqada waa la qaban karaaye waa wax ha ogolaadaan.

Wasaarada Maaliyadda waxaa u qoran $68 doollar inuu yahay Baasaboorka, Laanta Socdaalkana waxay qaaddaa $108? xoolaha la xadayo xanuun cid ay ku hayso kumaan arag Xamar.

Dhamaad…

Qalinkii: F. Xiirane oo ka tirsanaa Sirdoonka soomaaliya (NSS, 1976 – 1991).

Hadalsame Media