DAAWO: Hindu xag-jir ah oo indhaha gacmaha saartay si uusan u arkin weriye Muslim ah (Dhacdo yaab leh!)

0

(New Delhi) 04 Agoosto 2019 – Lama maalmood uun kaddib markii uu nin macmiil ihi uu makhaayadda Zomato ku celiyay cunto uu ka dalbaday kaddib markii uu ogaadey in wiil Muslim ah loogu soo dhiibey, Ajay Gautam, oo ah ninka sameeyay ururka xag-jirka ah ee ‘Hum Hindu’, ayaa indhaha gacmaha iska saaray kaddib markii uu arkay weriye Muslim oo TV kasoo muuqday.

Gautam ayaa lagu casuumey istuudiyaha News24 si looga hadlo dhacdada Zomato markaasoo uu arkay weriye Muslim ah oo ka howlgelaya, isagoo indhaha ka qarsaday inuu xitaa eego.

Ururkiisa xag-jirka ah oo uu sameeyay 2015, ayaa waxaa webkiisa ku dhigan in “ujeedka qura ee loo sameeyay uu yahay Swaraj buuxa, ama Hindu Rashtra” yacni qof aan ogolayn wax aan Hinduism ahayn.

Maamulka TV-ga ayaa markaa joojiyay inay sii amba qaadaan casumaadda Gautam iyo xitaa inuu istuudiyohooda yimaado.

Waxaa barta Twitter-ka wareegaalaysanaya sawirka dhacdadan laga sameeyay oo aad loogu dhaliilayo ninkan xag-jirka ah ee Gautam.

Hadalsame Media