Waxaa dhacda inay sanadkii gacantaada ku dhintaan 8 milyan oo qof (Fadlan liiska iska eeg)

0

(Hadalsame) 04 Agoosto 2019 – Sanad walba dad lagu qiyaasay 8 milyan oo qof ayaa u geeriyooda ama u dhinta cudurada ay sababeen isticmaalka tubaakada.

Dadkan tiro dhan 6.8 milyan oo qof waa kuwo si toos ah u isticmaala tubaakada halka tiro aan yarayn oo lagu qiyaasay 1.2 milyan ay soo gaarto hawada qiic (qaaca) xambaarsan waxaana loo yaqaanaa sigaar cabayaasha aan lacagi ka bixin ama afka ingiriiska waxa laga yiraahdo “secondhand smoke”.

Sigaar cabayaasha ku nool adduunka waxa lagu qiyaasaa 1.2 bilyan oo qof 80% ka mid ah waxa ay ku noolyihiin dalalka daqligoodu hooseeyo iyo kuwa meel dhexaadka ah.

Haddiii aad ka mid tahay dadka adeegsada ama ka ganacsada sigaarka ma jiraa saaxiibkaa,waalidkaa,walaalkaa ama qof aad shaqo wadaag tihiin oo markasta ku ag shidan jirtay kadibna dhintay ama la il daran cudurada ay sababi karaan isticmalka sigaarka.

Waa macquul in aad sababta leedahay adigu!!!!

Si aad qof wax ugu yeesho sigaar uma baahna in uu intaan mid kuu noqdo xitaa uma baahna in isku dal aad ku nooshihiin.
Dadka sigaarka isticmaala waa dilaayaal aan qarsoonayn misne xabsiyada kuma jiraan.

Caqligu kuuma ogala in aad burcad ama qof ka mid ah koox ku tilmaaman waxyeelaynta bulshda in aad ku dhawaato sababtoo ah waxaa kuu muuqata in uu markasta wax yeeli karo maalkaaga ama naftaada hase ahaatee sigaar cabayaasha haddii aad eegto hortooda ama hareertooda dad ayaa ku arki kartaa!!!

Xigasho: Maslax Cabdiraxmaan

Hadalsame Media