GALAL HORE: ”Naa xafiiska iiga bax!!” – Hab-dhaqanka qallafsan ee xafiisyada dowladdu waa kuwa umadda nacsiiya DOWLADNIMADA! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2019 – Waxay xambaar san tahay ilma yar, waa hooyo soomaaliyeed, waxay safka soo gashay qoraxda oon soo bixin,mid kale waa jiidaysaa oo aanay wali lugtu adkaan, waxaa ka muuqdo duruuf, iyadoo ooyaysa ayay kasoo baxday mid ahaan qolalka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee soomaaliya xafiiskooda ku yaal Magaalada Muqdisho, ilmaha ay xambaar san tahay dhabarkeeda ayuu ku hurdaa, kay gacanta jiidaysana sida hooyadii ayay ilmo ka socotaa.

Dhawr qof oon ku jiro ayaa maxaa ku helay iyo waraysi war jacayl u badan kula soo yaacay . Nin ay ciro madaxiisa dabooshay inuu iga yar yahayse u muuqda ayaa inta dadkii dhex jiiray gabadhii gacanta qabtay dhinacna ula baxay, qudhayda war jecli iyo waxay iga ahaydba odaygii ayaan garab istaagay.

Adeer maxaa kaa boohiyay ? waxay tiri 20 maal mood ayaa soo laabo la igu hayaa ilmo xanuun san ayaan dusha ku sidaa, ehel ayaa raba inay Caafimaad ila baadi goobaan , baasaboor usoo same ayaa la igu yiri , si loogu qaado xarumo caafimaad oo dalka ka baxsan .

Iyadoo wali ilmadu ka qubanayso ayay tiri waxaa la igu haystaa waxaan horay u lahaa Baasaboor , wuxuu dhacayaa 4 bilood ka dib , waxaa la igu yiri marka aad Dal ku gal dalbanaysid waa in ugu yaraan 6 bilood ka dhiman tahay xiliga dhicitaanka , markaan wax walba soo maray ee aan lacagtii soo shubay ayaa waxaa igu dhagay kuray aan dhali karo wuxuuna igu yiri 4 bilood ka dib imoow .

Waan u dan sheegtay waxaa la iisoo diray xafiiskaan hadda uu kurayga kale iga soo saaray sidoo kale wuxuu igu yiri sug inta uu kan dhacayo , dantayda ayaan u sheegay , si xushmo darro ah ayuu iila hadlay ‘’ Naa Xafiiska iiga Bax , bax ma dhaaf ‘’ ayuu igu yiri ma intuu cunugayga dhimanayay ila sugayaan ? Adeerow ma anaa khaldan mise balaayadaas meesha la fadhiisiyay ?

La soco qayb kale….

Qalinkii: F. Xiirane oo ka tirsanaa Sirdoonka soomaaliya (NSS, 1976 – 1991)

Hadalsame Media