Taariikh nololeedka Marxuum Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow)

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2019 – Waxaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku geeriyoodey Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow waxa uu ku dhushay degmada Hodan ee gobolka Benaadir 16-kii August 1965-kii.

Waxbarashadiisa dugsi hoose, dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey jaamacadda Gaheyr ,kuliyadda Civil Engineering sanadkii 1986-kii.

Shaqooyinkii uusoo qabtay

Dowlada Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003-dii.

Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004 ilaa October 2008.

Waxa uu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMGka aheyd intii u dhaxeysay October 2008 ilaa February 2009-kii.

Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009 ilaa August 2009.

August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010.

July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010.

3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012.

20-kii Juun 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013.

26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014.

Intii u dhaxeysay 24kii April 2014 ilaa 21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

21-kii Maarso 2017-kii waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qadar.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUN

Hadalsame Media