”Waxay noola dhaqmeen sidii inaan nahay xayawaanno!” – Wiil Soomaali ah oo ka sheekeeyay arrin ay kula keceen Booliiska Norway

0

(Oslo) 01 Agoosto 2019 – Booliiska Norway gaar ahaan midka xaafadda Bogerud oo ka tirsan Østensjø ayaa la sheegay inay isku dhaceen 20 dhallinyaro ah kuwaasoo 10 ka tirsan la xirey fiidnimadii Isniintii.

Dad deggan xaafadda Bogerud iyo fannaanka raabka ee Mikal Bøckman ayaa deeto sheegay in booliisku ay si hujuumi ah ula dhaqmaan dhallinyarada dadka laga tirada badan yahay.

”Waxay ahayd maalin xagaa oo caadi ah. Dhllinyaro badan baan meesha ku joogney. Mar qura ayaa waxaa nagu soo dhex dhacay booliis roondo ah.” ayuu yiri Mubaarak Ismaaciil oo ah wiil Soomaali ah oo 21-jir ah.

Ismaaciil ayaa sheegay in aan meesha wax dagaal ihi ka soconin. ”Waxba ma jirin, balse waxay u muuqataa in sida Norwegian-ka aynaan kafee xitaa doonan karin, markii aan isu imaanno waxay u ekaanaysaa sidii inaan dagaal billaabi rabno.” ayuu yiri Ismaaciil.

Wuxuu sheegay in Booliisku ay markiiba handadaad lasoo galeen oo ay markiiba ku amreen inay derbiga ku dhegaan iyagoo lasoo baxay budad iyo basoolado, iyagoo muddo dheer baaritaan nagu hayay.

”Waxay noola hadleen sidii inaanu xayawaanno nahay, sidii inaynaan waxba ahayn.” ayuu ku dooday Ismaaciil oo uu soo xiganayay NRK.

Dad kale oo xaafaddaa deggan ayaa taageeray waxa uu sheegay Ismaaciil iyagoo sameeyay bog la magac baxay «Et levende Bogerud!» ama Bogerud nool.

Hadalsame Media