Barasaabka Nairobi oo ka tacsiyeeyay geerida Inj. Yariisoow (Howl ay isla wadeen oo uu sheegay)

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2019 – Barasaabka Gobolka Nairobi oo sidoo kale ah caasimadda Kenya, Md Mike Sonko, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoonkii Gobolka Banaadir Inj. Yariisoow.

Sonko ayaa boggiisa Facebook kusoo qoray sidatan: ”Waxaan murugo ku guddoomey geerida Duqii Muqdisho, Abdirahman Omar Osman, oo u geeriyoodey dhaawacii ka gaareey weerar argagixiso oo lala eegtay todobaadkii tegey.

”Md Osman wuxuu ahaa saaxiib dhow oo ay ka go’nayd nabad kusoo dabaalidda Muqdisho iyo Somalia guud ahaan. Kahor geeridiisa wuxuu Cusmaan si dhow ula shaqeeynayay maamulkayga si loo hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi. ayuu raaciyay Sonko.

”Waxaan tacsi kasha kasoo go’day u dirayaa qoyskiisa, saaxiibadii iyo dadka ku nool magaalada Muqdisho, xilligan adag. Allaha u naxariisto.” ayuu yiri.

Hadalsame Media