Sababaha ugu wayn ee MW Farmaajo isaga celiyey jinsiyaddiisii Maraykanka?

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2019 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanaa dib u celiyey jinsiyaddii Mareykanka ee uu haystay, taasi oo dad badan ay soo dhoweeyeen. Go’aanka madaxweynaha oo lagu shaaciyey war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia, lama raacin wax sabab ah.

Farmaajo waxa uu madaxweyne yahay laba sano iyo bar, wuxuuna jinsiyaddan ka tanaasuli karay markii la doortay.

Ogow, Farmaajo marnaba ma wajihin marxald uu huritaan sameeyo – Macnaha inuu kala doorto Soomaaliya iyo Mareykanka – oo sharciga Soomaaliya uma diidayo inuu haysto baasaboor dal kale, sidaas darteed isaga oo dalkiisa daacad u ah ayuu haysan karay dhalashadiisa labaad. Sidaas darteed waxaa su’aalo badan ay ka dhasheen waxa xilligan kusoo beegay go’aankiisa.

Aniga oo raacaya waxyaabo badan oo aan ka ogahay kiisas noocan oo kale ah oo sidan u dhacay, xogta aan ka haysto Mareykanka oo aan deganahay iyo siyaasadda Soomaaliya, aan idinla wadaago sababaha aan rumeysanahay inay saldhig ay u yihiin go’aanka madaxweynaha.

Maxaa xilligan kusoo beegay?

Markii la doorto madaxweyne Farmaajo, waxay saraakiil Mareykan ah kala hadleen arrintan, sida uu shaaciyey xildhibaan Cali Balcad oo hadda ka hor wareysi siiyey TV-ga Dalsan, hase yeeshee Farmaajo wuxuu door-biday inuu sii haysto dhalashadisia Mareykanka.

Si kastaba, waxaa arrintan ay is-beddeshay bishii March ee sanadkan, markii Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale.

Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aysan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda.

Sidaas darteed waxaa muuqata in Farmaajo door-biday in inta aan dhalashada laga qaadin uu isaga si shakhsi ah uga tagay, taasi oo leh laba faa’iido oo kale ah: 1- Inuu si sharaf leh u dhigo dhalashada, iyo 2 – Inuu shacabka Soomaalida ugu muujiyo inuu dalkiisa jecel yahay ugana tanaasulay dhalashada dalka ugu awoodda badan.

Sababaha Farmaajo ku qasbi kara go’aankan

Uma bahana: Faa’iidada ugu weyn ee haysashada baasaboorka Mareykanka ayaa ah ku safarkiisa dunida oo dhan xilligii aad doonto, weliba Visa la’aan inta badan dalalka caalamka. Maadaama Farmaajo madaxweyne noqday, marka uu xilka ka dego, wuxuu dalkii uu doono caalamka ku tagi karaa baasaboorkiisa Soomaaliga, isaga oo ka faa’iideysanaya maqaamka uu horey u gaaray. Sidaas darteed, Farmaajo maanta baasaboor caalami ah uma baahni, oo magaciisa ayaa u ah.

Imaanshaha Mareykanka: Tan iyo markii la doortay Farmaajo, sooma cago dhigin Mareykanka, kamana qeyb-galin shirarka QM. Sharciga Mareykanka ayaa dhigaya in qofka haysta baasaboor Mareykan ah uusan dalka Mareykanka kusoo gali karin baasaboor kale, taasi oo Farmaajo u diidaysa inuu kusoo galo baasaboor diblomaasi.

Haddii uu Mareykanka kusoo galo baasaboor Mareykan, waxaa meesha ka baxaya xasaanaddii uu heli lahaa, taasi oo fududeeneysa in la xiri karo, ama dacwad ay kusoo oogi karaan muwadaaniinta kale ee Mareykanka, gaar ahaan kuwa Soomaaliya kasoo jeeda asal ahaan.

In la hor-istaago QM, oo laga hadlo waa sharaf madaxda adduunka agtooda ku weyn, waxaana muuqata in madaxweyne Farmaajo u cuntami weysay inuu xilka ka tago isaga oo aan sidaas sameyn.

Cabsi marka uu xilka ka tago kadib ah: Farmaajo xitaa haddii uu baasaboorka sii haysan lahaa, waxaa jirta cabsi kale oo ah in weli ay dacweyn karaan Soomaalida Mareykanka marka uu dalka dib ugu soo laabto waqtigiisa madaxweynenimo kadib. Tusaale, gobolka uu degan yahay ee New York, waxaa ka mamnuuc ah dilka toogasho, sidaas darteed waxaa suurta-gal in dadka lagu fuliyey dilalka toogasho ee Soomaaliya ay qaarkood ehelladooda dacwad kusoo ogaan.

Canshuurta Mareykanka: Muwaadinka Mareykanka waxaa qasab ah inuu dowladda siiyo canshuur, xitaa hadduu lacagta uu shaqeystay ku sameeyo meel ka baxsan dalka. Inkasta oo madaxweyne Farmaajo lacagta uu mushahar ahaan uga qaato Soomaaliya aysan dhib ku ahayn inuu canshuur ka bixiyo, waxaa suurta-gal ah inuu wajaho baaritaannada Mareykanka, ayada oo la tuhmi karo inuu hanti badan ka sameeyey madaxweynenimada, oo uu qarinayo sida madaxda Afrika lagu yaqaan.

Ma lihi madaxweynaha wax ayuu dhacay, balse in dowladda Mareykanka ku dabagasho ayaa dhibkeeda gaarka ah leh, waxayna kugu furi kartaa albaabo badan oo dhibaato ah.

Waddaniyad cusub: Waxyaabaha madaxweyne Farmaajo lagu jeclaaday waxaa ka mid ah in loo arkay inuu yahay waddani neceb shisheeyaha, hase yeeshee waxaa taas ay meesha ka baxday markii uu la xirtay Itoobiyadii uu weligiis muujin jiray inuu neceb yahay, islamarkaana u gacan geliyey muwaadin Soomaaliyeed.

Si mar labaad uu kaarka wadaniyadda u cayaaro sanadda 2021 marka uu dib u galayo doorashada, waxa uu tallaabadan uga faa’iideysan karaa inuu sameeyo wax aysan madaxdii hore ee Soomaalida weligood sameyn, taasi oo mar kale uu isaga gadi karo dadka aan inta badan cabirin waxa ka dambeeya tallaabooyinka madaxda.

Waxaa sida muuqata ay tani sidoo kale billow u tahay ololaha doorashada ee 2021, waana tallaabo uu kaga adkaan karo kuwa laga yaabo inay la loolamaan ee haysta baasaboorada ajnabiga ah.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

FG: Aragtidani ka tarjumi mayso midda Hadalsame balse waxay u gaar tahay qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media