DAAWO: Ku dhowaad 30 qofood oo ku dhimatay laba weerar oo ka kala dhacay laba gobol oo Maraykanka ah

0

(Dayton, OH) 04 Agoosto 2019 – 9 qofood ayaa ku dhintay weerar toogasho ah oo ka dhacay Dayton, Ohio, sida uu xaqiijiyay booliiska magaaldu.

Ugu yaraan 16 qofood ayaa isbitaallada loola cararay. Ninkii weerarka soo qaaday ayaa waxaa diley booliiska.

Toogta ayaa ka dhacday East 5th Street oo ka tirsan degmada Oregon District of Dayton saacadihii hore ee xilliga Maraykanka maanta oo Axad ah, taasoo saacado yar uun ka dambaysa toogasho kale oo lagu hoobtay oo ka dhacday El Paso, Texas taasoo lagu diley 20 qof, 26 kalena lagu dhaawacay.

Booliiska Dayton ayaa la sheegay inuu sitey qori wayn isla markaana uu kaligii ahaa.

Booliiska ayaa haatan isku deyaya inay bar gartaan haybta ninka weerarka gaystey iyo ujeedkii ka dambeeyay tillaabada uu qaaday.

Hadalsame Media