LIVERPOOL VS MAN CITY: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan!

0

(London) 04 Agoosto 2019 – Waxaa galabta oodda laga qaadayaa fasal-ciyaareedka EPL ee 2019-20 oo bilaabmaya Jimcaha soo aaddan, marka ay ay foodda is daraan kooxaha reer woqooyiga ah ee Manchester City iyo Liverpool oo isku arkaya dufcaddii 97-aad ee koobka FA Community Shield oo ka dhacay magaalada London ee koonfurta Ingiriiska.

Manchester City iyo Liverpool ayaa soo noolaynaya cadaawaddda ciyaareed ee sanadaha badan dhex taalley, iyadoo ay kooxiba hollinayso inay hanato koobka Community Shield oo yaalla barxadda Wembley Stadium galabta oo Axad ah.

Koobkan ayaa loo dhigaa kooxaha kala sita billadaha Premier League iyo FA Cup. Balse maadaama ay Manchester City wixiiba isku fuuqsatay, waxaa hardanka la geleeysa kooxda Liverpool oo final-ka la timid.

Halkan hoose ka eeg shaxda labada kooxood:

Hadalsame Media