DHEGEYSO: Soomaalida oo ka walaacsan SHARCI cusub oo kasoo baxay Talyaaniga!! (Qodobbo xasaasi ah)

0

(Roma) 04 Agoosto 2019 – Waxaa Talyaaniga kasoo baxay sharci cusub oo ka kooban 18 qodob kaasoo ay ka qayliyeen dadka soo galootiga ah ee ku dhaqan dalkaasi oo ay Soomaalidu ka mid tahay. Waxaa sharcigan dabada ka riixaya Wasiir Gudeedka Talyaaniga Meto Salvini iyo xisbigiisa soo galooti diidka ah ee Lega Nord lagu wadaa in uu sharci rasmi ah noqdo 13-ka Agoosto kaddib markii uu soo dhaafay Aqalka Hoose iyadoo uu akhrintiisa bilaabay Aqalka Sare 1-dii bishan Agoosto.

Cabdullaahi Axmed oo ah Guddoonka jamciyad la yiraahdo Generazione Ponte oo Jiilkii isku xirka, isla markaana ah gayfane u dooda guud ahaanba dadka soo galootiga ah gaar ahaan Soomaalida, ayaa isagoo ku sugan magaalada Torino wuxuu ii sharraxay waxyaabaha Soomaalida saamayn kara ee ku jira sharcigan.

Hoos ka dhegeyso warbixin uu umuurtan ka sameeyay Maxamed Xaaji.

Hadalsame Media