DHEGEYSO: ”Daanyeeraddaa Afrika weli waxay ku dhibban yihiin sida kabaha loo xirto!!” – Codka Reagan oo aflagaadaynaya MADAXDA AFRIKA oo la helay!

0

(Washington, DC) 31 Luulyo 2019 – Gabal cod ah oo iminka la helay ayaa muujinaya MW hore ee Maraykanka oo xilligii codkan laga qabanayay ahaa Barasaabka California, Ronald Reagan, oo ”daanyeerro” ku tilmaamaya madaxda Afrika jeer uu telefoonka kula sheekaysanayay MW Richard Nixon, sida uu Maareeyihii hore ee Maktabadda Nixon uu ku faafiyay warqaadka The Atlantic.

Tim Naftali, oo Maareeye ka ahaa maktabadda iyo matxafka Richard Nixon min 2007 ilaa 2011, ayaa qoray in Reagan – oo markii dambe noqday Madaxwaynihii 40-aad ee Maraykanka – uu wacay Nixon bishii Oktoobar 1971-kii, maalin uun kaddib markii ay QM u codaysay inay aqoonsato Jamhuuriyadda Shiinaha.

Reagan ayaa gaar ahaan tixraacayay sida ay wefdigii ka socdey Tanzania ugu ciyaarayeen hoolka shirarka Golaha Guud ee QM markii ay QM fadhi laga siiyay aqoonsatadelegation started dancing in the General Shiinaha, si meesha looga saaro Taiwan oo horay fadhiga u haysatey.

Reagan, ayaa sida uu Naftali qorayo wuxuu Nixon ku lahaa, “Xalaytoole, sida aniga waxaas telefishanka maka daawatay.”

Nixon ayaa soo dhex gelaya isagoo uga koobinaya: “Haahay.”

Reagan ayaa deeto sii wadanaya, “Inaan arko daanyeeraddaa Afrika ka socda – duf ku baxa, wuxu weli waxay dhib ku qabaan sida kabaha loo xirto!” ayuu raaciyay, waxaana deeto qosol qax qax ah iyo la qabitaan ah uga koobinaya MW Nixon. Halkan ka dhegeso…

Reagan ayaa aad u taageeri jirey Taiwan isagoo yasi jirey QM – wuxuu xitaa u ololeeyay inuu Maraykanku ka boxo ka mid ahaanshiyaha buuxa ee ururkaasi.

Arkiifiyada (kaydka) Qaranka ayaa 2000 sii daysay codkan oo ay ka maqnayd qaybta cunsuriyadda, balse Naftali ayaa sheegay inuu isagu shakhsiyan codsaday in arrintan dib u eegis lagu sameeyo oo codka lasii wada daayo, taasoo dhacday 2 todobaad kahor.

Gabalkan codka ah ee iminka soo shaac baxay ayaa kusoo beegmaya xilli MW Donald Trump oo isla Jamhuuriga ah lagu haysto kelmado cunsuriyadeed oo ku jihaysan ilaa 6 xildhibaan oo ah kuwa aan caddaanka ahayn.

Hadalsame Media