DHEGEYSO: Loollankii Sheekh Aweys iyo Sayid Maxamed (Yaa diley Sh Aways? Aragti cusub)

0

(Hadalsame) 31 Luulyo 2019 – Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA ayaa waxaa todobaadkan lagu soo qaatay taariikhihii Sheekh Aweys Al-Qaadiri iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo loolankii u dhaxeeyey labada dariiqood ee ay kala hoggaamin jireen ee Qaadiriyada iyo Saalixiyada.

Labada nin ayaa aad iskaga soo hor jeedey iyadoo Daraawiishtii Sayidka lagu eedeeyo inay nolosha ku gubeen Sheekh Aways oo xilligaa ku sugnaa rug ay xertiisu ku lahayd Biyooleey.

Yeelkeede, wiil uu awoowe u yahay Sh. Aways ayaa arrinta weji cusub oo aan abid horay loo maqal u yeelay, isagoo sheegay in qoyska Sheekhu ay aaminsan yihiin in dilkiisa uu Talyaanigu ka dambeeyay, isagoo sameeyay ciidamo u qaab eg Daraawiishta.

Hadalsame Media