DHEGEYSO: Wiil Swedish ah oo ay ku dhacday arrin badanaa qabsata Soomaalida Sweden!

0

(Stockholm) 31 Luulyo 2019 – Anders Johansson waxay isu dhaxaan Fidelis Mutuku oo ku dhaqan dalka Keenya, balse waxaa caqabd ku noqotay sidii ey ku kulmi lahaayeen, maadaama Fidelis Mutuku aanay suurtagal u ahayn inay booqasho ugu timaado ama la soo degto.

Wakaaladda socdaalka ayaa u haysata in guurkoodu yahay mid aan dhab ahayn, inkastoo ey isu leeyihiin wiil sagaal bilood jira, Taylor.

-Kolka ay tagto maqaayad leh xiriirka internet-ka Wifi ayay ila soo xiriirtaa oo aan arkaa. Waana mid u dhib badan sida ey iiga maqan yihiin. Waxaa la arkaa, wax aadan qayb ka noqon karin, sida uu sheegay Johansson.

Bishii jannaayo ee sannadkii 2018 ayey Anders iyo Fidellis ku aqal galeen magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Keenya, muddo gaaban dabadeedna waxay Fidelis Mutuku soo codsadtay sidii ey seygeeda ula midoobi ahayd, hase yeeshee wareeysiyadii ay wakaaladda sodaalku la yeelatay labadooda ey uga muuqdeen jawaabo aan is laheyn, sida ay wakaaladdu qortay. Iyadoona codsigii Fidelis laga bixiyay diidmo, welibana loo diiday fiise booqasho ay ugu timaado.

Wakaaladda socdaalka ayaa sidoo kale tuhun ka muujisay inuu Anders aabbe u yahay wiilka yar ee sagaalka bilood jira:

-Waxay u haystaan in wakhtigu wax ka khaldan yihiin. Laakiin haddaan anigu khaldanayn oo wax xisaabiyay sagaal bilood ayaa u dhaxeeysay wakhtigii aan is guursanney oo aan Keenya ka soo ambabaxey iyo goortii ilmuhu dhasheen. Waana muddada caloosha lagu sido ilmaha, sida uu hadalka u dhigay.

Wakaaladda socdaalka ayaa ka gaabsatay inay jawaab arrinkaa ka bixiso, iyadoona loo sababeeyay, maadaama uu kiisakani iminka hor yaalo maxkamadda socdaalka.

-Inaan waxba la qaban karin ayaa la dareemayaa. Maalin walba waxaan luminayaa korriimmadiisa. Dhowaan wuxuu bilaabi doonaa inuu socdo, dhowaanna wuxuu oran doonaa eraygiisii ugu horreeyay. Waxaa la luminayaa wax walba, sida uu sheegay Anders Johansson mar uu u wareeysi siiyay laanta idaacadda ee P4 Gotland.

Xigasho: Idaacadda Sweden

Hadalsame Media