Waxaa ka jiranayd hooyadii dawana uma hayn, saaxiibkiina telefoonka ayuu ka ”dansadey” (Kaddib maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2019 – Mobeylkiis ayuu qaaday kaddibna saaxiibkiisa ayuu wacay wuxuuna ku yiri ”hooyaday ayaa xanuunsan daawana waala soo qoray, laakiin lacag aan daawada ugu soo gado ma hayo.”

Saaxibkiis: ”Haye waayahay casir kaddib isoo wac”

Casirkii markii la gaaray ayuu wacay mise telkiisii wuu dansan yahay, dhawr mar ayuu wacay mise waa sidii weli.

Dad kale ayuu raadiyay uu lacag ka deysan karo, laakiin qofna wuu ka heli waayay lacag, wuu murugooday wuxuuna dareemay aduunka inuusan qofna ku lahayn, hooyadiisa ayuu ka murugooday, waxaana niyad jab ku ridey saaxiibkii uusan oo uusan ka filaneyn sidaas inuu u gali doono!

Guriga ayuu isaga soo laabtay asagoo niyad jab daran la bestii ah, wuxuu arkay hooyadiisa oo jiifta caafimaadna ka muuqdo iyo inay soo roonaatay, daawana ay ag taalo, walaashii ayuu waydiiyay cidda daawadaan keentay?

Waxay ku tiri saaxiibka ayaa yimid intaad maqaneyd warqadii daawada ayuu qaaday kadib daawada ayuu soo gaday!

Illin ayaa ka timid asagoo qoslayo, wuuna baxay asagoo raadinaya saaxiibkiis wuuna arkay. Wuxuu ku yiri: ”Ilaa casir kaddib waan kusoo wacayay ee maxaad telka u danstay?”

Saaxibkiisa wuxuu yiri mobeylkii waan iska gaday, hooyo ayaan daawo ugu soo iibiyay!!

Saaxiibtinimada maaha dad badan magacyadooda inaad ku haystid telka. Saaxiibkaa wa kan ku caawiya xiliyada adag ee aad u baahantahay ee aan marmarsiinyo kuula iman.

Waxaa Diyaariyay: Luqmaan Aadan

Hadalsame Media