Daawo: ”Somalia 7 qabiil ayaa 40 sano isku dilaya!” – Fashilka siyaasadeed ee Somalia oo noqday wax lagu xuuxiyo Ilhaan Cumar!

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2019– Waa biiqsigii ugu danbeeyey oo lagula kacay gabdheena Ilhaan oo wax yar ka hor uu daabacay wargayska Daily Mail.
Hadalkaan hoose waxaa yiri nin lagu magacaabo Sen. Rand Paul oo ka tirsan xisbiga madaxweynaha cunsuriga ah ee Maraykanka. Halkan ka arag.

Ninkaan ayaa horey ugu tirsanaan jirey da’yarta Aqalka Senate ka Maraykanka. Isagoo wareysi bixinaya wuxuu yiri:

“Anigoo aan dhaheyn aan khasab ku celino (Ilhaan yacni), haddana waxaan rabaa in aan ku caawiyo in aan u iibiyo tigid ay booqasho ku aado Somalia, waxayna ila tahay in ay soo indha-indhayn karto, laga yaabee markaa in ay wax xogaa yar ka soo ogaato hooga iyo halaagga halkaa Somalia yaalla, waa meel aan laheyn dhaqaale, wax xuquuq ah oo Alle abuurtey dastuur ku siinaya ka jirin, ay ka jiraan ugu yaraan 7 qabiil oo kala duwan oo dagaal ka dhex oognaa 40 kii sano ee u dabeeyey.”

”Markaa waxaan ku rajo weynahey marka ay ka soo laabato in ay Maraykanka mahdin doonto, markii ay soo gashay Maraykanka inagu cunto ayaan siinay, caafimaad ayaan siinay, dharna waan u gadnay.”

Adinkaa is kala saara, balse aduunyadu sidaas ayey idiin aragtaa Soomaaliyeey. Su’aashu waxay tahay inta Soomaalidu dad iska dhigto dalkeeda tusaalaha xun noqday ma toosin doonaan?!

Waxaa Diyaariyay: Maxamed A Geeddi

Hadalsame Media