CUDUR nafsi ah oo qofka la hara oo ay dad badani qabaan & dawadiisa (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2019 – Tanaa kasii darane, weligaa ma is tiri barnaamij horumarineed ka qayb qaado, amaba adigu hal-abuurkeedaba yeelo, ma kuu yimaadeen wixii, oo makuu sheegeen inaad khaldantahay oo aysan hawshan waxba kaa gelin. Halkan ka akhri qaybtii 1-aad…

Arday baad tahay, gabar baad tahay, amaba meeshaadba qariib ku tahayee maxaa kuu geynaya hawshan, ta kale mindhaa dadku is dhehe ninkii hebel ahaa ama heblaayo wey waalatay, oo wataa/wakaa meel aan loo dirsan wareegaya, oo la isku kay xantee, ama ma kugu buufiyeen in lagugu la dagaalami doono qaab qabiilaysan illeen magaalada reer hebel oo aan idin ogalayn baa idin la degene.

Adigu yaanan war kugu daalininee wixii ma lagu nacsiiyay oo ma lagaaga dhigay wax aadan qaban karin, ama wax maalaayacni ah?

Mar kale adigoonba hawl haynin inta ay kuu yimaadeen ma iskakaa bahdileen, oo intay ku jeedaliyeen ma kugu canaanteen waxaan waxba ahayn, khalad yar oo kaa dhacayna si kulul ma kaagala hadleen.

Sidoo kale, ma sameeyeen inay kaa dhigaan mid aanba wax hagaajin karin, talaabo walba oo uu qaadana aan si nabad ah ku dhamayn karin, dhacdooyin hore oo sidan oo kale ahna hortaada ma keeneen, dhinaca negetifka ah uun ma kaa garaaceen, bahdil iyo in lagaa roonyahay, lagaana sarreeyo, ma kaa dhigeen?

Hadallo horay lagugu yiri oo xiriir la leh arrintan ma kugu soo celceliyeen, natiijadu marka danbe ma noqotay in qalbigaagu diiqadoodo, naftuna ay ciriiri gasho, kelinimana aad doorbido, dadkana aad nacdo inaad lasii joogto khaasatan marka ay waxaasi kuu yimaadaan?

Waxaa taas oo dhan ka daran, marka aad aragto dad aqoon aadan garanaynin ka hadlaya, sida juqraafi, siyaasad, taariikh, adiguna takhasuskaagu uu yahay mid kale, inay wixii kuu yimaadaan oo ay kuu muujiyaan in lagaa tagay oo ay dadkii ku dhaafeen, adiguna aad eber tahay, kaddibna ay kugu canaantaan wax awoodaada ka baxsan oo ah inaadan koobi karin aqoon oo dhan, kuguna dirqiyaan in waqtigaagii la soo dhaafay ay habboonayd inaad waxan ay barteen aad baran lahayd, laakiin aad tahay mid lagu khasaaray?

Bal waxaaba laga yaabaa in aad aragto hablo kaa qurxoon ama rag kaa samays wacan, ka dibna ay waxaasi ku moodsiiyaan inaad tahay ruux aan dhamaystirnayn.

Wax kaloon kuu hayaa, marka aad waddada soconayso ma is mooddaa in dadku adiga kusoo eegayaan, balaayadii ma kugu furantaa, dacaayad ay saaxiibtaa/kaa kaaga sheegeen socodkaaga ma soo xusuusataa, tusaale: sidii awrkaad u socotaa, bay horay kuu yiraahdeen.!!

Kaddibna ma isu kaa sawireen adigii oo awr awr camal ah, oo sidaa u dhasaqdhasaq leh, ama jidhkaaga ma ka shakidaa sida uu u habacsanyahay, ma khajishaa oo ma moodaa in socodkaagii uu xumaaday, ma is tiraahdaa yaa mar waddada kaa duwa?

MID OGOOW MARKA

Walxahaas oo kale haddaad isku aragtay bal inyar i dhagayso: Horta ogow waxan ku haya cudur xun ma aha, waa wax dabiici ah, cid walbana way soo mari kartaa, waana laga koraa, dadka qaar markay waxaas ku dhashaan bartooda ayay ku aasaan, qaarna way isku sii daayaan, balse way dawoobaan.

Sidoo kale, bishaaro ayaan kuu hayaa: Qofka waxan isku arka waa qof haddii uu ka gudbo teedadkaas horumar balaaran samayn lahaa, sababtoo ah waxan waxaa aabbe u ah shaydaanka, shaydaankuna waxa uu sidaa kuugu galayaa waa inuu khibrad u leeyahay dadka noocaagan oo kale ah inay yihiin dadka guulaha gaara, saas awgeed wuxuu jecleysanayaa inuu dhulka kula galo, inleen waa cadow ee. Haddaba yuusan kaa adkaan.

La soco qaybta 3-aad…

Waxaa Diyaariyay: Cabdiraxmaan Axmed (Abu Xaniifa)

Hadalsame Media