CUDUR nafsi ah oo qofka la hara oo ay dad badani qabaan & dawadiisa (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 29 Luulyo 2019 – Ma isku aragtaa marka aad meel ka hadal istiraahdo in maskaxdaadu ay soo qabato shakhsiyaad gaar ah, oo ay kuugu sheekayso in hebel iyo heblaayo ay kula yaabi doonaan.

Sidoo kale hebel oo kaa feker duwan uu meesha fadhiyo ka dibna ay ku tusto in fekerkaagu uu yahay mid rakhiis ah oo aan dadka ka gadmi doonin, ama hebel oo aad ka dareemi jirtay inuu ku xaasido uu kaa maadaysan doono, kuguna qosli doono, ama aadba maqasho dhawaq kugu buufinaya in dadkii kaa horeeyay ay kaa feker wacanyihiin, kaana aftahansanyihiin, adiguna aad tahay mid af-badhi ah oo wixiisa oo dhan ay hadhow nadhaacis isugu bixi doonaan marka ay dadku maqlaan?

Amaba wax aadan garanaynin oo naftaada ku jira ayaa kaala sheekaysta dharkaaga iyo qaab samayskaaga, wuxuuna kuu soo bandhigaa inaadan labbis wacan aadan xirnayn, isteelkaaguna uusan saxnayn, waxaa kaloo laga yaabaa inuu kuu foolxumeeyo suuraddaada, kuuna soo qabto xan aad maqashay in lagaa dhaho, sida inaad san weyn leedahay, ama aad madowdahay, ama ilkahaagu dhaadheeryihiin, ama aad gaabantahay, dabadeedna qaabka ugu xun ee uu kuu matali karo inta uu ku hor keeno ku yiraahda uma qalantid inaad istaagto oo aad dadkan hortooda ka hadasho.

Haddii aad hadashona waxa uu kugu bilaabaa inuu ku cabsi galiyo, kuuna muujiyo in dadku ku diiddanyihiin, aysanna kuu riyaaqsanayn, mararka qaarna kuu raaciya inaadba afsoomaaliga aad ku hadlayso uusan ahayn mid isku toosan, sidoo kale ku hor keena muuqaalkaaga xilligan aad hadlayso oo dayac ah, sida wejigaaga oo kala dheer, bishimahaaga oo aan is haysan, gacmahaaga oo gariiraya, candhuuf afkaaga ka soo baxday oo cid kale ku dhacday (dhabtuna sidaas ma ahan), iwm.

Mar kale ma dhacdaa, adiga oo doonaya inaad dhar xirato in ay wixii kuu yimaadaan oo ay kaala hadlaan waxa aad ku labbisanayso, dabadeedna kugu kallifaan inaad cabbaar ka fekerto nooca aad xiran lahayd, marka aad is tiraahdo xirona, inta ay kuu sawirraan qofaf agtaada laga daneeyo ma kugu sheekeeyaan in hebelkaas ama heblaayadaas aysan isku-jooggan ka helin.

Dabadeedna ma iska dhigtaa oo halkiisii maku celisaa, isku soo duuboo waxaas aan kuu tilmaamay maamulka go’aankaaga ma ku wareejiyaan dadka kale gacantooda, weliba intay naftaada gudeheeda kaga dhex hadalsiiyaan iyaga oo aan ogayn rabitaankooda iyo dookhooda makuu xidhaan, oo sidaa makugu labbisaan.

Sidii inay kugu dhex noolyihiin oo kale?

Bal taaba ka soo guduboo, mar mar ma is tiraahdaa Facebook-ga hadal ku cajabiyay ama murti kaa guuxaysa soo dhig oo la wadaag asxaabtaada, ka dibna wixii aan kuu sheegayay intay kuu yimaadaan si hoos ah ma kugu yiraahdaan in aan laga heli doonin Post-igaagan, oo aan wax ”riyaaq ama LIKE” iyo faallo ah laga bixin doonin, taasina ay tahay mid sharaf dhac kugu ah (way buunbuuninayaan), ama waxaad is tiri bal maanta sida dadkaas oo kalaba kaftan oo sheeko qosol leh soo faafi, balse isla sidaas oo kale ma kaa hor istaageen oo ma ku yiraahdeen sumacadda ha iska dilin ileen qof weyn baad tahay, ama wadaad la xushmeeyee?!!

Kaba sii darane mararka qaarkood wax aad soo dhigtay intay kaaga daba yimaadaan ma kugu jeedaliyaan inaad ku khaldanayd faafintooda (hada cid waxba kumaadan yeelin), sidoo kale sawirradaada maku nacsiiyaan, oo wax foolxun oo dadka oo dhammi la yaabanyihiin makaaga dhigaan, inta aad isku naxdo maka qaadaa, amaba soo dhig intaad is tiraahdo khiyaaligii ay kugu akhriyeen makaa celiyaan soo-dhigistoda?

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyay: Cabdiraxmaan Axmed (Abu Xaniifa)

Hadalsame Media