Real Madrid oo £86m ku khasaaraysa iibka Gareth Bale & Zidane oo u sabab ah!

0

(Madrid) 29 Luulyo 2019 Real Madrid ayaa khasaari karta £86m oo gini haddii uuu Gareth Bale ku biiro kooxda Chinese-ka ah ee Jiangsu Suning kahor inta aanu xirmin suuqa kala iibsiga Chinese-ka Arbacada soo aaddan.

Wakiillada Bale oo uu hoggaaminayo Joshua Barnett ayaa dhowaanahan ku sugan magaalada ay kooxda Chinese-ku ka dhisan tahay ee Nanjing, si uu ugala xaajoodo mushahar hal milyan oo gini todobaadkii ah, balse tiiyoo mushaharkaa aadka u qaaliga ah loo bandhigay inuu Bale kooxdaa ku biiro waa 50%, waayo Real dani uguma jirto.

Zinedine Zidane ayaa isna kooxdiisa boos liita oo dhanka gorgortanka ah istaajiyay kaddib markii uu si shaac ah u sheegay in aanu laacibku ka mid ahayn qorshihiisa ciyaareed, taasoo ka dhigan in waloow ay Shiinuhu mushahar bixinayaan aanay diyaar u ahayn inay khidmad fiican siiyaan kooxda Real oo laacibkan £86m oo gini Spurs kasoo siisatay 2013.

Hadalsame Media