GALAL HORE: Hab-raacii adkaa ee Sirdoonkii hore ee Somalia (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 29 Luulyo 2019 – Waxaan galabtiiba aaday shirkaddii dayuurada aan la socday waxaana codsaday in horay la iigu soo dhigo safarkaygii, 120 doollar ayaa la iga qaaday maalin kaddibna waan soo noqday, socod dheer kadib waxaan imid Xamar. Halkan ka akhri qaybtii 1-aad.

Allaha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare iyo Taliyahaygii ayaan warbixintii u dhiibay waxaana u raaciyay ”Jaallayaal waxaan filayaa inuu dhintay wajigii aan ku tagi jiray Itoobiya” si wanaagsan ayaa loo aqbalay inkastoo ay labada oday xoogaa caroodeen sigaarna iska daba shidtteen, maalmo kadib waxaa Xabsiga loo diray saraakiishii laga soo war sheekooday, kadib markii la xaqiijiyay warkii ay Suuriyaanka soo tabiyeen.

Mudo gaaban ka dib ayuu Madaxwayne Siyaad waraaq gaar ah ii dhiibay waxaana u qaaday Caasimadda dalka suuriya ee Dimishaq, Madaxwayne Xaafid Al-Asad ayaan u siday mahad naq ballaaran oo aan ka siday Madaxwayne Siyaad, Bogaadin dheeraad ah ayaa loo diray Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida iyo kuwa aan muuqan, Suuriya oo aan igu cusbayn waxaan sida caadada u ah Madaxda Dunida Carabta ay la kulmaan saraakiisha amaanka xiliyada fiidadka ah ee aan sidaa loo ag dhoobnayn haddaysan xaaladdu deg deg ahayn.

Hoteel la yiraahdo Shaam oo la igu marti galiyay ayaa waxaa maqribka dabadii iigu yimid Hishaam Bikhtiyaar Saraakiisha Xisbigiga Al-Bacath ee dalka suuriya ,wuxuuna ii qaaday Aqalka uu daganaa Madaxwayne Xaafid Al-Asad oo aan ka fogayn dhismaha Safaaradda Soomaaliya, war dheer kadib, Xaafid Al-Asad wuxuu u soo jeediyay Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare talo ay habboontahay inuu ku dhaqaaqo fulinteeda.”

Walaalkay Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare waxaan jeclaan lahaa inuu ka fakaro Xiriirka Liibiya iyo Kornaylka xukuma waa Qadaafiye ”Asad wuxuu ku qanacsanaa in Liibiyaanku ay la waasheen Saliidda qaniga ay ku noqdeen isla markaana aqoontooduna ay yartahay, ka xishoon maayaan inay Dalal daggan colaad ka huriyaan, iyadoo aysan jirin faa’iido Qarankooda uga imaanaysa.

Madaxweyne Asad wuxuu yiri: ”Waxaan qabaa si loo joojiyo hantida ay ku shubayaan jeebabka Jabhadaha hubaysan ee doonaya inay Qaranka Soomaaliyeed dumiyaan ayagoo kaashana cadaw kasta oo Ummaddu leedahay, in uu Madaxwayne Siyaad soo celiyo xiriirka Liibiya si shartooda looga nabad galo.”

Warqad uu Madaxwayne Asad ku suntan yahay ayaa la ii dhiibay, jidka aan Xamar u marayo ee magaalada Jidda, Sacuudiga ah darteed waxaa jiray Cabsi inay Sucuudiyaanka oo ay Mareykanku dhabarka ka taabteen baaraan Boorsadayda Dublamaasiga ah, si aysan u dhicin waxaa lagu tolay waraaqdii Buug markaan xamar tago aan jeexi doono.

Dhamaad…

Xigasho: F. Xiirane sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka soomaliya

W/D: Jamaal Ismaaciil

Hadalsame Media