Wax ka baro Elon Musk; Aqliga tiknolojiyadda qarniga 21-aad (Wuxuu ka dhaqaale badan yahay 4 dal oo Afrikaan ah)

0

(Pretoria) 28 Luulyo 2019 – Waa Injineer, ganacsade, iqtiraace, dhiiri-geliye iyo Bilyan dheer. Elon Reeve Musk, ninkii adkaysiga u lahaa yoolkiisa fog iyo wax kusoo kordhinta bulso, ahna guddoomiyaha shirkadaha, space x iyo Telsa space x, oo u dira dayax gacmeeyadda hawada sare kana mid ah shirkadaha doorka wayn haatan ka qaata in aadanahu ogaado meerayaal badan oo hor leh oo hawada sarre ah iyo hab suuro gelinta in la tago meerayaasha qaarkood.

Markii uu ku jirsaday gugiisii 28-aad waxaa uu ahaa mid haysta hanti dhan 28 milyan doollarka Maraykanka, hadda uu 48 jir yahayna waa mid ku fadhiya adduun dhan 28 bilyan oo doollar, taasi oo ka dhigaysa in uu ka dhaqaalo badan yahay qaar kamid ah dalal dhaca galbeedka Afrika oo ay kamid yihiin Niger, Togo, Sierra Leone iyo Liberia oo weliba dhaqaalahooda la isku biiriyey.

Ninkan Koonfur Afrikaanka ihi intii uu yaraa waxa uu ahaa mid aad waqti u geliya hal-abuurka iyo fikradaha uu qabo ee wax soo saarka loo beddeli karo, yaraantiisii maanu ahayn nin waqti badan gelin jiray saaxiibtinimada oo intii ay fasalka wax ku wada dhigan jireen waxa ay ugu yeeri jireen mid aad u xun oo aan saaxiibtinimada qaddarin!!

Dalalka Afrika ee aan kor ku xusay waxaa ku ceeb ah in hal waddan oo Yurub ah iska dhaafe xitaa hal shakhsi ka dhaqaale badan yahay, waana kuwo ay fadhiyaan nicmooyin aad u fara badan, keliya waxa ay ubaahan yihiin kuwo sida ninkaas maskax iyo hal-abuur intifaaceed leh oo bulshadooda indhaha u kala fura casrigaan u bahaan tartanka iyo ka guuridda faqriga.

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media