RUBIN waa LAALUUSH qaate aad u neceb in dal Islaam ihi CUDUD & ciso yeesho! (Arag caddaymaha)

0

(Hadalsame) 28 Luulyo 2019 – Michael Rubin, wuxuu ku dhashay magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania, reerkiisu waxay ka soo jeedaan asal ahaan Israel, Dr. Rubin wuxuu u shaqayn jiray the American Enterprise Institute (AEI). Hay’adaani waa cilmi baaris ay leeyihiin dadka mayalka adag ama Muxaafidka ah ee Maraykanka.

Wuxuu la taliye u ahaa mar Wasaarada Gashaandhigga, asagoo aaminsanaa in Ciraaq loo kala jaro seddex dowladood, wuxuu kaloo aad uga soo hor jeedaa siyaasadda dalka Turkiga isagoo jeclaan lahaa in dalkaasi loo kala jaro laba dowladood, Soomaaliyana loo kala jaro sedex dowladood si sedexdaas dowladood awoodooda hoos loogu dhigo, looguna amar ku taagleeyo, taasoo taageero ka hesha siyaasadda indha la’aanta ah ee Soomaalida qaarkeed.

TURKIGA IYO ROBIN:

Dowladda Turkiga waxay ka mam’nuucday dalkeeda Dr. Robin. Waxaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa af gambigii dhicisoobay ee Turkiga ee la doobaayay In President Erdogan xukunka looga tuuro. Halkan ka akhri lifaaqa…

IMAARAADKA IYO ROBIN:

Waxaaa hore loogu eedeeyay inuu lacag ka qaayo dowladda Imaaraadka si uu u faafiyo dacaayaddooda. Halkan ka akhri lifaaqa…

Haddaba maxaa Soomaaliya keenay?

Mar hadduusan awood dowladeed lahayn, wuxuu wax ku qoraa wargeesyo yar yar oo kasoo baxa dalka Maraykanka maqaallo dhinacaysan (biased) oo aragtidiisa ah si uu u bedelo maskaxda saraakiisha ka masuulka ah siyaasada dibedda (foreign policy makers).

Haddaba, waxaa hore loogu eedaayay inuu si dadban ugu shaqeeyo Dowladda Emaratiga si siyasadooda ay uga shaqeeyso dalka Soomaaliya oo Turkiga meesha looga saaro. Taas awgeed waxkasta uu ku eedeeyo Dowlada Soomaaliya iyo hogaankeeda hada jirtaa ma aha mid macquul ah oo la aamini karo, waayo asaggaaba shaki laga qabaa iyo fikirkiisa inuu lacag ka qaato Emaratiga.

Si kastoo aan ugu kala fikir duwanahay siyaasada, haddana marka ay timaado difaaca dalka waa inaan meel uga soo wada jeesanaa. Mr. Robin waa xaq jir loo yaqaana NeoCon, oo hadalkiisa aan wax qaymo ah ku lahayn dalka Mareeykanka.

Waxaan halkaan ugu mahadcelinayaa Webside iyo warirayaasha Soomaaliyeed inaysan daabacin beenta uu Qoray Mr Robin oo ay fahmeen.

Waxaa Diyaariyay: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media