DAAWO: DF Maraykanka oo laga dalbaday inay soo bandhigto ”SIRTA” ay qarinayso ee Suxuunta Duusha (Ma taqaannaa saldhigga Area 51?)

0

(Lincoln County, NV) 28 Luulyo 2019 – Mark Walker, Xubin ka tirsan Guddiga Amaanka Qaranka Maraykanka ee Koongarayska dalkaasi ayaa Ciidamada Badda ka doonaya in la iftiimiyo waxa ay yihiin Suxuunta Duusha oo la sheego inay yihiin walxo hawada lagu arko iyagoo ka baxsan shuruucda Fiisigiska – iyo haddii ay halis ku yihiin amaanka qaranka Maraykanka.

Arrinta la xiriirta xogta mararka qaar cabsida leh ee “Duullimaadyada aan Ujeedkooda la Garanayn” ama UFO ayaa sii shidantay laba sanadood kahor markii ay DF Maraykanku ay ugu dambayn qiratay inay xitaa mar diyaarisay mashruuc la yiraahdo Barnaamijka Bar-garashada Halista Hawada ee Advanced Aerospace Threat Identification Program (AATIP).

Waloow barnaamijkaa markii dambe la laalay, misna Waaxda Gaashaandhigga Pentagon ayaa qirsan inay weli baaritaan ku hayso aragtida UFO-da, iyadoo sheegtay in mashiinnadan aan la aqoonin, balse aanay taasi si otomaatig ah uga dhignayn inay hawada sare ka yimaadaan.

Dad badan ayaa aaminsan in UFO-du ay qayb ka tahay mashruuc qarsoodi ah oo ka socda meesha la yiraahdo Area 51 oo ah rug ciidan oo ay maamusho DF Maraykanka kuna taalla Degmada Lincoln County, Nevada, taasoo aanu xitaa usoo dhowaan karin qof aan ahayn dadka halkaa ka howl gala.

Halkan hoose ka dhegeyso waraysiga laga qaaday Mr Walker & muuqaal kale oo ka hadlaya Area 51.

Hadalsame Media