Sabab la yaab leh oo keentay inay haween badan oo Hindi ihi ilmo-galeenka iska saaraan!

0

(Maharashtra) 25 Luulyo 2019 Pushpa, waa beeraleey iyo hooyo leh laba carruur ah, waxay ahayd 26-jir markii ay dareentay dhiig bax daran iyo ubuc (macdan) xanuun xilli ay caadadu u joogtey.

Waxay qaadanaysay dawada uurka lagu xakameeyo, ilaa uu dhakhtar kula taliyay inay u baahan tahay dawo “dhab ah”.

Waxay dhaqse uga mid noqonaysaa haween badan oo ku dhaqan Degmada Beed, oo ka tirsan gobolka Maharashtra, oo galay qalliin xanuun badan oo ay ilma-galeenka iskaga saarayaan.

“Ma aha go’aan sahlsan. Balse ninkayga ayaa igu dhiirri geliyay, maxaa wacay xanuun ayaan ka shaqaynsan waayay. Qalliinkan aan ilma galeenka iskaga saaray (hysterectomy), wuxuu ii keenay isu miisaan la’aan dhanka dhecaanada (hormones), waxaana bilaabay inaan aad u cayilo,” ayay tiri Pushpa, oo haatan 37-jir ah.

Sida ay sheegayso saxaafadda Hindiya, in ka badan 4,500 oo haween da’yar ah kuna nool Beed ayaa maray qalliin aan loo baahnayn oo noocan ah 3-dii sanadood ee ugu dambeeyay.

Gayfanayaasha iyo daraasaadka umuurtan lagu sameeyay waxay iskaga marag keceen in ay haweenkani sidan u yeelayaan sababo dhaqan-dhaqaale.

Waxay sheegayaan in haweenku ay haatan noqonayaan “ilmo-galeen la’aan”, haddii ay si walanteeri ah u sameeyeen iyo haddii lagu khasbayba. Waxaana ugu waawayn laba sababood:

Tan koowaad waa dhiig miiradka dhakhaatiirta oo haweenka ka dhaadhicinaya inay qalliinkan qaaliga ihi uu yahay xalka ugu habboon, si dhibka loosoo afjaro, halkaasoo ay faa’iido ka dhaliyaan.

Tan labaad waa aragtida ah in caadadu ay wiiqayso awoodda wax soo saar ee haweenka.

Beed waa degmo abaaraha u nugul oo uu wax soo saarkeedu ku xiran yahay khasabka sonkorta laga sameeyo oo halkaa aad uga baxa.

Xilliyada uu khasabku soo go’ayo oo u dhaxaysa min Oktoobar ilaa Maarso ayay haweenku mararka qaar toosaan 4-ta subaxnimo, si ay reerka raashin ugu sameeyaan, iyagoo deeto shaqa taga 6-da subaxnimo, isla markaana shaqeeya ilaa 6:30 fiidkii.

Hadalsame Media