Kenya oo qabaa’ilka Soomaalida iska hor keenaysa iyadoo qaar ku tilmaamaysa ”Al Shabaab” (Ujeedka)

0

(Nairobi) 25 Luulyo 2019 – Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed ee Faarax Macallin Dawaara ayaa tooshka ku ifiyay arrin ay Kenya beryihii dambe ku mashquulsanayd, oo ah iska hor keenka qabaa’ilka Soomaaliyeed si ay daneheeda qaran u qunsato.

Wuxuu Twitter kusoo qoray: ”Wasiirad Dibadeedka Kenya waxay sheegaysaa in uu xooggan yahay kiiskeeda ICJ (Muranka badda Somalia), balse dadka wax og ee iyada ka horreeyay waxay bandhigayaan aragti kale.”

”Beryihii dambe waxay Kenya isku dayday in ay dhex galaan xafiiltanka qabaa’ilka (Soomaalida) ka dhexeeya iyadoo qaar ku suntaysa Al Shabaab, si ay ugu adeegsato muranka xuduudda. Al Shabaab ma aha qabiil!!” ayuu soo qoray.

Kenya ayaa maalin dhowayd la sheegay in ay meel xadka u dhow ku xasuuqday dad 50 qofood ka badan oo rayid ah, wararka qaar ayaana sheegaya inay xitaa gubtey.

Hadalsame Media