Somalia oo ay weli ka jirto in QABYAALAD lagu galo BOOSASKA waxbarasho (Ceeb dhacday)

0
FG: Sawirkani lama xiriiro sheekada.

(Hadalsame) 25 Luulyo 2019 – Haddii deeq waxbarasho loogu eexdo dad aan diyaar u ahayn waxbarashada ama aan ka bixi karin, eexashada waxaa ka sii daran in sumcadda ardayda Soomaaliyeed hoos uga dhacayso jaamacadaha dibedda.

Ardayga fiican waxaa loo malaynayaa inuu sidii kuwii iska sii tahriibi doono ama ka saaqidi doono waxbarashada oo waxaa laga yaabaa inaan la aqbalin.

Diktoor Soomaali ah oo wax ka dhiga jaamacad ku taal waddan Carbeed, ayaa ii sheegay in jaamacadda uu macallinka ka yahay la keenay siddeed arday oo ay kulligood sannadkii koowaad ka bixi waayeen. Wuxuu yiri kii u dambeeyey ayaan ku baraarugay oo ka codsaday inuu joogo una sheegay inaan caawin doono.

Laakiin wuxuu yiri adeer waan jeclahay waxbarashada, laakiin heerkeeda ma joogin marka caawimaad iguma filna oo aasaaskii hoose oo dhan ayaa iga maqan.

Siddeeda arday waxay ahaayeen isku qabiil. Waxay diktoorka u sheegeen inuu deeqda waxbarasho u soo dhammeeyey masuul hebel, oo qabiilkooda ah hayeyna wasaarad waxbarasho.

Way ila fiican tahay in warbaahintu baaritaan ku sameeyaan deeqihii Soomaaliya la siiyey dadkii ku baxay meesha ay ku dambeeyeen.

Haddiiba la eexanayo, dad wax baran kara ha loo eexdo oo magaca ardaydeenna dibedda ha la dhawro.

Fadlan walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media