FADEEXAD: Qadar oo ay ku xaqiiqoowdey inay gacan ku leedahay qaraxyada Somalia (Maxaa la gudboon DF)

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2019 – Laba sanadood kaddib markii Qadar lagu eedeeyay in ar argagixisada caalamiga ah naas nuujiso – dalal badan oo Khaliijka ah iyo kuwa Afrika ahna ay go’doomiyeen – waxaa soo baxaya khabar ku saabsan in ay dhici karto in Qadar ay gacan ka gaysato weerarrada Somalia.

Warqaadka New York Times ayaa qoray warbixin dheer oo uu ka sameeyay cod ay duubtey “hay’ad sirdoon oo ka hor jeedda siyaasad dibadeedka Qadar” taasoo ay ku sheegayso in Qadar ay ka dambaysay weerar bishii Maajo ka dhacay magaalo maarsada Boosaaso oo ka tirsan Puntland, Somalia.

Telefoonka ayaa dhex maraya Danjiraha Qadar u fadhiya Somalia iyo ganacsade wayn oo Qadari ah oo ku sheekaysanaya in Shabaab ay iyaga mas’uul uga ahaayeen weerarkaasi, si Imaaraadka iyo danihiisa looga saaro Somalia.

“Haddii ay tani xaqiiqoowdo, waxaa warka ganacsade Mr. al-Muhanadi, uu muujinayaa in Qadar ugu yaraan ay weerarkaa ku faraxsan tahay xitaa haddii ay iska dhigayso inay DF Somalia ka caawiso la dagaallanka xag-jirka,” ayuu yiri the Times.

Danaha Imaaraadka ayaa waxaa ka mid ah shikadda DP World, oo maamusha dekedda Boosaaso, iyadoo Boosaaso lagu khaarajiyay Agaasimihii ay soo magacoowday bishii Febraayo, kaasoo ay sheegatay isla kooxda Shabaab.

Codka laba nin ayaa waxaa xitaa ku jirta in dekeddu ay ku wareegi doonto gacmaha Qadar marka meesha laga riixo Imaaraadka.

Warqaadka the Times, ayaa sheegay in afhayeen u hadlay dowladda Qadar uu sheegay in xogta ku jirta telefoonkaasi aanu ka tarjumaynin siyaasadooda dibadda iyo sida ay u fuliyaan, halka Danjirihii dhami ku doodayo inuu u hadlayay ”sidii qof muwaadin ah, balse aanu boos rasmi ah oo siyaasadeed ku hadlaynin”, taasoo ah marmarsiinyo aad caato u ah oo aan lagu qanci karaynin.

DF Somalia ayaa looga fadhiyaa inay la timaado siyaasad dalka looga badbaadinayo siyaasadaha bahalnimada ah ee insaaniyadda ka fog ee ay dalalka Khaliijku ka wadaan Somalia iyagoo adeegsanaya tabcanayaal Soomaali ah oo ay qaarkood ”diin iyo jihaad” sheeganayaan, iyadoo ay taasi khasab u tahay soo kabashada dalka oo intii ku filan qas kusoo jirey.

Hadalsame Media