Aniga iyo Laba-xiddiglihii Itoobbiyaanka ahaa! (Sheeko xiise badan qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2019 – Halkaa kolka ay xaajo marayso, ayay meel halkeer ah ka soo kacday islaan yar oo cad oo baasaboor Talyaani ah gacanta ku haysataa. Waxa ay tidhi islaantii: “anigaba sidaas ayay ii kadeedeen, qof ayaana magaalada iiga doonay lacag doollar ah oo aan sugayaa!” ninkii Carabka ahaa ee iga dambeeyey ayaa maqlay hadalka islaanta. Halkan ka akhri qaybtii hore…

Iyada oo aan uba jeedin ayuu soo kacay, waxaanu jeebka ka soo saaray boorsada yar ee lacagta (wallet) – isaga oo islaantii wayddiiyey: “imisa ayaa lagaa rabaa?” islaantii oo u qaadan weyday ayaa ugu jawaabtay: “labaatan ayaa la iga rabay, laakiin qof baan u dirsaday oo iigu maqan, waanad mahadsan tahay.” Waxa uu mar kale yidhi: “dhib ma laha, tan iskaga sii bixi,” inta uu labaatankii u fidiyey. Islaantii yarayd mahadnaq aan kalajoogsi lahayn iyo duco ayay faraqyada uga buuxisay Carabkii.

Aniga, maadaama soonoqoshada dambe caddibaad igu ahayd, weliba aanan hubin sida aan lacag doollar ah ku soo heli karo, waxa ay ila ahaatay in aan ninkii Carabka ahaa ka codsado in uu ii sarrifo lacagta Itoobbiya ee aan sito, beddelkeedana labaatanka doollar ee laga iga doonayo I siiyo.

Haba odhan lahaydaa! Waxba yaanu ii sarrifine, ninkii waabu I jidh diiday, inta uu si isa ga cadhaysiiyayna dhinac isu ururiyey! “waar dee I sii kumaan odhan, ee haddii aad karto ii beddel, fadlan!” aniga ayaa idhi. Ninkii, sidii in aan ka gar daranahay oo kale, ayuu iila dhaqmay, dabadeed aniga oo aad u cadhaysan ayaan iska dhaqaaqay.

Cadhadii aan ka qaaday gabadhii meesha fadhiday ee hadalka ii soo gaagaabisay ayay taasina ii raacday. Xafiiskii baan ka soo baxay. Hadba qofkii aan Soomaali u garto ee meel iiga muuqda ayaa aan ku ordaa, aniga oo rejo ka qaba inta aan xafiiska la xidhin in aan qof uun ka helo labaatan doollar, aniga oo diyaar u ah intii ay doonaan ee lacagta Itoobbiya ah in aan ugu beddelo. Afar ilaa shan qof oo kala duwan kolkii aan ka waayey, ayaa aan debedda uga baxay dhismaha xarunta.

Meel xayndaabka gudaha ah waxa aan kula kulmay dhawr nin oo iila muuqday in ay u dhasheen dalka Sri Lanka. Nimankii ayaa aan weji furan ku salaamay. Salaantii kolkii ay iga guddoomeen, labaatan doollar haddii ay hayaan in ay ii beddelaan ayaa aan ka codsaday.

Nimankii mid ka mid ah ayaa degdeg gacanta jeebka u geliyey, iina sarrifay. Sidii islaantii yarayd ee Talyaaniga ahayd oo kale, ayaan duco iyo mahadnaq ninkii ku hoobiyey, labaatan doollarna gudaha kula noqday.

Qiyaas ahaan, xafiiska waxa aan ka soo maqnaa wax toban daqiiqo ka yar. Ninkii Carabka ahaa oo loo adeegayo, kursigii aan ka kacayna fadhiya ayaan soo kor joogsaday. Baasaboorkaygii weli miiska ayuu saaran yahay. Xoogaa Carabi ah oo isaguna uu fahmay ayaan si kulul ugu sheegay in uu kursiga ka kaco, maadaama intii safka lagu soo jiray oo dhan aan ka horreeyey.

Waa uu is yara adkeeyey, laakiin waa aan ku kululeeyey, weliba erayo cay ah – oo markii cadhadu iga baxday ka dib aan garwaaqsaday in aan ku idhaahdaa in aanay habboonayn – ayaan ku weeraray! Adigu sinjigiisa ayaan caayey, doqon iyo doofaar iyo eeyna waan ku sheegay!

Bal Ilaahay cilmigiisa, intaas oo eray oo aan ku idhi waxa uu kaga jawaabay: “maxaan kugu sameeyey, ee aad ii caayaysaa?” ugu dambayn, in uu kursiga ka kaco ayaan ku amray, isaguna sidii ayuu yeelay oo waa uu ka kacay. Gabadhii xafiiska fadhiday ayaa damacday in ay na dhex gasho oo aniga gaar iila hadasho, waxa se aan miiska u saaray labaatankii doollar ee ay igu xujaysay.

Intii haddaba ay hawshaasi socotay waxa xanaaqday gabadhii ninka la socotay, waxaanay af Xabashi kula hadashay sargaalkii labaxiddiglaha ahaa ee gabadha ii adeegaysay ag fadhiyey. Sida aan malaynayo, wixii aan ninka ku idhi iyo wax ay ku sii dartay ayay igu dacwaysay. Sargaalkii ilama hadlin, waxaanu sugay inta hawshayda la ii dhammaynayo, baasaboorkana fiisaha la iigu dhejinayo. Kolkii sidaa gacanta la iiga geliyey, ayaan degdeg u dhaqaaqay, erayo kale oo cay ahna Carabkii ku sii sagootiyey! Bal gardarradayda day!

Albaabka ka bax kolkii aan is idhi ayuu sargaalkii iga soo daba kacay, isaga farta iigu yeedhay, si hanjabaadi ku jirto! Baxar baan ku jiraa! Xafiis jaranjarro loo fuulayo oo xagga kore ah ayuu ila aaday. Albaabkii xafiiska ayuu furay, nalka oo dansanaana waa uu daaray. Kursi albaabka dhinaca bidix ka xiga ayuu I yidhi fadhiiso, baasaboorkiina wuu iga qaaday. Halkaas ayay sheeko ka bilaabantay…

Qoraalka oo dheeraaday awgii, qaybta kale ayaan ku soo gudbin doonaa gunaanadka wixii na dhex maray labaxiddiglaha…

Waxaa Qoray: Maxamed Haykal Muxumed

Hadalsame Media