Afghanstan oo markii ugu horreeysey Somalia ka samaysay arrin aan abid horay u dhicin!

0

(Muqdisho) 23 Luulyo 2019 – Afghanstan ayaa Somalia u dhoofisey agab caafimaad iyo mid faya dhowr markii ugu horreeysey taariikhda.

Hamidullah Khadim, oo ah madaxa Golaha Ganacsiga Herat Chamber of Commerce and Industries, ayaa sheegay in 25 nooc oo ah agab caafimaad oo ay samaysay hay’adda Asia Pharma in loo waaridey dhanka Somalia.

Shixanadda 1-aad waxay ka kooban tahay 3 konteenar oo qaadi kara min 30 tan, kuwaasoo ay midkiiba ku jirto 25 nooc oo agab caafimaad ah.

Qabtii 1-aad ayaa durba gaartey Somalia, halka ay labada kale haatan sii marayaan dalka Turkiga, sida uu sheegay Hamidullah Khadim.

Afar shirkadood oo agabka caafimaadka sameeya ayaa ku jira Herat, iyadoo lix kalena haatan la asaasayo. Waxaa muhim ah in la hubiyo tayada agabkan.

Hadalsame Media