”Nasiib mooyee si kale Kenya ugama guulaysanayso Somalia!” – Daily Nation oo qoray warbixin dheer oo gar-waaqsi ah (Qaybtii 1-aad)

0

(Nairobi) 21 Luulyo 2019 – Warqaadka Daily Nation qaybtiisa webka ayaa maqaal aad u dheer ka qoray wax uu ku sheegay ”muranka badda ee u dhexeeya Kenya-Somalia” kaasoo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ee Hague ay qaybta ugu dambaysa dhegeysanayso Sebtember 9 ilaa 13, iyadoo ay u dheg taagayaan shucuubta labada dal.

MAXAY TAHAY NATIIJADA KA IMAN KARTA?

Wuxuu ku bilaabay, labad dal waxay isku haystaan seddex xagal daboolaya dhul badeed gaaraya 100,000 km oo jibbaaran. Wa arrin soo taagnayd qarniyo.

Bishii Luulyo 7, 1494-kii, Spain iyo Portugal ayaa kala saxeexday heshiiskii Treaty of Tordesillas si xal looga gaaro dhulal ay dhowaantan heleen (qabsadeen) oo ku fadhiyay 515 km min gasiiradda Cape Verde iilaa Brasil. Wixii Bari xiga waxaa leh Portugal wixii Galbeed ahna waxaa loo saxeexay Spain.

Maadaama ay ahaayeen labadii cududood ee dhanka badda ugu maahirsanaa qarnigii 15-aad waxay asaaska u dhigeen waxa maanta loo yaqaanno xad-badeedyada jira, ujeedkuna wuxuu ahaa khayraad sahmin.

Qarnigan 21-aad, dalal cusub ayaa doonaya inay lasoo baxaan khayraadka badahooda, waxaana la sheegay inay jiri karaan ilaa 180 muran badeed oo la xalliyay iyo 400 kale oo weli taagan, sida ay sheegtay Chatham House, oo ah hay’ad caalami ah oo aad u dhuuxda arrimaha caalamiga ah.

Dhanka kiiska hor yaalla ICJ, Somalia waxay ku doodaysaa in xad badeedku uu toos u raaco diilinta xad-dhuleedkeeda oo u jeeda dhanka koonfur-bari, halka Kenya ay jeclaan lahayd in la raaco jiitinta loolka oo u qallooca dhanka woqooyi. Labadaa doodood ayaa waxaa ka dhashay seddex-xagalkan 100,000 km ah.

Marka la eego xeebta Somalia oo ka badan 3,300 km, qaybta ay iska galaan Juba-Lamu Basin ayaa ah meel ka mid ah kuwa ay ku jirto saliidda ugu badan, taasoo keenaysa xiisaha labada dhinac.

YAA SAXAN?

Si aannu arrintaa u go’aaminno aan qooraansanno xeerarka badaha. Waxaa jira laba sharci oo kala ah in uu dalba xaqiisa oo idil qaato (equidistance) iyo midka kale oo ogol in il gaar ah lagu eego dalalka ay xeebohoodu yar yihiin (equitable principles), taasoo 1973-kii ay u ololeeyeen Kenya iyo 7 dal oo kale.

Sababtuna waxay tahay halka Somalia ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo ah in ka badan 3,300 km marka laga reebo jasiiradda Madagascar oo leh 4,828 km. Kenya waxay haysataa 420 km.

Waxaa jira 587 kiis badeed oo 272 ka mid ah la xalliyey, 213 aan la go’aamin iyo 102 go’aan sugayaal ah, marka la eego xogta ay hayso Issues Correlates of War (ICOW) intii u dhaxaysey 1900 ilaa 2001.

Jaantuska hoose wuxuu muujinayaa kiisaska la xalliyay 10-kii sanaba guud ahaan qarnigii tegey ee 20-aad.

+ image

Waa socotaa….

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media