Wefdi ka socda dalka Qadar oo gaarey magaalada Baydhabo (Arrimo muhim ah oo…)

0

(Baydhabo) 21 Luulyo 2019 – Waxaa magaalada Baydhabo gaarey wefdi ka socda dowladda Qadar oo beryahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Wefdigan oo qaybo kala geddisan iskugu jira inta badanna ka shaqeeya amaanka iyo horumarinta ayaa la kulmay MW Maamulka KG Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Waxyaabaha ay maamulkaa lasoo qaadi doonaan waxaa ka mid mashaariic deeq iyo horumarin ah iyo kuwo dhanka amaanka ah sida dhismaha  xarumaha ciidamada amaanka maxalliga ah ee gobolkaasi.

Qadar ayaa iminka ah dalka maalgelinaya mashruuca ugu ballaaran ee Somalia ka hana qaaday tan iyo burburkii, waxayna Somalia usoo dhowaatey kaddib markii ay Somalia iska caabbisay soo jeedinno ahaa inay go’doomiso dowladda Qadar, sida ay codsadeen dalal ay ugu horreeyaaan Sucuudiga & Imaaraadka.

Hadalsame Media

Facebook Comments