Dhismaha jidka Muqdisho-Afgooye oo si rasmi ah u bilowday (Sawirro noo gaar ah)

0

(Muqdisho) 21 Luulyo 2019 – Sida aannu xogta ku heleyno, waxaa si rasmi ah saaka u bilowday dhismaha jidka isku xiraya Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaannu idiin haynaa sawirradii ugu dambeeyay ee muujinaya shaqada ka bilaabatay jidka Afgooye aada, kaasoo ay burburinayaan gaadiidka birta culus sida iskaafeetarrada iyo cagafyada oo ay wehliyaan qallaabiyaasha ciidda qaada.

Sawirradan oo ayaannu usoo qaadnay si qarsoodi ah, maadaama aad loo adkeeyay amaanka agagaarka goobta uu dhismuhu ka socdo.

Dhismahan ayaa waxaa qandaraas ku qaadatay sharikad Turkiga laga leeyahay oo maalin dhowayd qalabka ay ku shaqaynayso kala soo degtey Dekedda Muqdisho halka ay maalgelinayso dowladda Qadar oo ku bixinaysa lacag gaaraysa 200m oo doollar.

Waxaa sidoo kale bilaabmi doona dhismaha jidka Muqdisho iyo Jowhar oo lagu wado in midkan lagu dhinac wado.

Hadalsame Media