Ruushka oo Turkiga ka iibinaya dayuuradaha ugu casrisan kaddib markii…

0

(Moscow) 19 Luulyo 2019 – Ruushka ayaa Turkiga u bandhigay qorshe uu kaga iibinayo dayuuradihiisa casriga ah ee Sukhoi Su-35, sida uu sheegay madaxa hay’adda Ruushanka ah ee Rostec, jaalle Sergei Chemezov.

Soo jeedinta Ruushka ayaa imanaysa maalin uun kaddib markii uu Maraykanku ku dhawaaqay inuu Turkiga ka tuurayo barnaamijka dayuuradaha raadaarka ka dhuunta ee F-35, kaddib markii ay Ankara dhegaha ka furaysatey digniintii ahayd in aanay iibsanin hannaanka S-400.

Wasaarad Dibadeedka Turkiga ayaa Washington ku tirtirsiisay inay go’aankaa saxdo si aanu u salfanin xiriirka labada dal.

Dayuuradaha Su-35 waa jiilka 5-aad laga soo dhiraan dhiriyay dufcaddii hore ee Su-27. Waa hal kursileey laba matoorleey ah, isla markaana si wanaagsan isugu gedgedin taqaanna hawada. Ruushka ayaa 78 xabbo oo Su-35 ciidamadiisa ku qalabeeyay 2014.

Nofember 2018, wuxuu Shiinaha ka iibiyay 24 xabbo oo doorar badanleey ah oo laga siistay $2.5 bilyan oo doollar. Indonesia ayaa waxaa haatan u dalban 11 xabbo oo loo daabulayo dhamaadka 2019.

Hadalsame Media