Donald Trump oo sifooyinka Ilhaan Cumar uga faa’iidaysanaya siyaasaddiisa! (Sabab?)

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2019 – Trump doorashada 2020 wuxuu u guuleysanayaa si ka weyn sidii uu u guulaystay 2016, wuxuu caadi ka dhigay waxaan caadi ahayn iyo cunsuriyaddii, sidoo kale xubnaha afarta ah ee Congress-ka ahi waaba ay caawiyeen oo derejadiisii ayay kor usii qaadeen.

Ilhan Omar oo uu 24-kii saacadood gaar u eryanayay ayuu iyadana dhibco badan ku qaatay, sababta oo ah waxay kulansatay astaan kasta oo qof lagu nebcaado marka la joogo Galbeedka, (midabkii, soo galeetinimadii, dumarnimadii iyo tan ugu culus oo ah Islaamnimadii).

Wuxuu ka sameeyey been abuur is daba joog ah oo taxane ah, xalay na taageerashiisa S.Carolina wuxuuba u sheegey in Ilhan Omar bogaadisay ururada argagixisada ah. Arrinta ugu daran ayaa ah in dadka caddaanka ah 80% ee taageersan Trump ay aaminanaan sax iyo khalad wuxuu yidhaahdo, islamarkaana iska indhatiraan xaqiiqooyinka dhabta ah.

Maanta wuxuu sheegey in Ilhan Omar iyo walaalkeed ay guur been abuura sameeyeen si sharci u helaan, arrintaas in badan ayay suuqa ku jirtay, haddii se ay rumowdo faqfaqa la wado, waxay noqonaysaa dhabar jabkii ugu weynaa ee ku yimaada dadka Islaamka ah, ummada deegaanka ku ah iyo xisbiga Dinuqraadigaba.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media